Xogta Tv Aljasiira oo sheegtay in musuq maasuq ku jiray heshiiska dp world iyo xukuumadii siilaanyo

0

Fadeexad culus oo ku soo baxday Qoyska Siilaanyo & Baashe Morgan oo la baahiyey+Dacwad Qaramada Midoobay loo gudbiyey

Telefishanka Aljazeera ayaa soo diyaariyey warbixin muddo badan laga soo shaqeenayey oo ku saabsan dagaalka Dekadaha ee ka socdo Geeska Africa.

Warbixintaan oo ka baxday Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan dagaalka dhanka Dekadaha Geeska Africa ee u dhaxeeyo dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Dowlado kale oo waaweyn.

Al-Jazeera ayaa Barnaamijkaan ugu magac dartay ”Almasaafa Sifir”, wuxuuna barnaamijkaan si gaar ah uga hadlay Loolanka DP Word iyo Dowladda Jabuuti kaasoo keenay in ugu dambeyn DP Word laga eryo dalkaas.

Sidoo kale barnaamijkaan ayaa ka hadlay sida ay Imaaraadka Carabta ugu suurta gashay inay heshiis kula wareegto Dekadda Berbera oo lagu bixiyey lacago Malaayiin Dollar ah.

 

Warbixinta Al-Jazeera ayaa qoyska Silaanyo ku eedeysay inay Musuq maasuqeen lacagihii laga qaaday Imaaraadka ee heshiiskii Debadda Berbera.Waxaa warbixinta lagu sheegay inay musuq maasuqaas qeyb ka ahaayeen Silaanyo, Xaaskiisa iyo Ninka uu sodogga u yahay .

Xaaska Siilaanyo ayaa lagu magacaabaa Aamina Waris halka ninka uu Silaanyo Soddogga u yahay isna lagu magacaabo Baashe Moorgan .

Waxaa lagu xusay warbixinta inuu Heshiiska Dekadda Berbera  ahaa mid qarsoodi ah isla markaasna laga qariyey Baarlamaanka Somaliland.

Baarlamaanka Somaliland ayaa loo qeybiyey qoraal Af-Soomaali ku turjuman iyadoo lagu heshiiyey inaan cidna la tusin heshiiska asalka ah, waxayna arrintaas keentay inay gacanta iskula tagaan guddoomiyihii golaha wakiilada iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo.

Al-Jazeera ayaa sheegtay in Baadhitaanka Musuq maasuqa lagu hayo Qoyska Siilaanyo loo gudbiyey guddiga dabagalka Soomaaliya iyo Eretariya ee Qaramada Midoobay.

Heshiiska Dekadda Berbera ayaa muran weyn ka dhex abuuray Somaliland & Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna keenay in  Soomaaliya laga mamnuuco Shirkadda DP World kadib kulan xasaasi ahaa oo ay yeesheen Baarlamaanka Somalia inkastoo aysan arrintaas hirgelin maadaama shirkadaas ay weli dhaq dhaqaaq ka wado Gudaha Somaliland & Soomaaliyaba

xigasho qaran news