Maxay baryahaan si qarsoodi ah ugu kulmaan Shahrukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan?

0

Xiddigaha shirkadda filimada ee Bollywood-ka Salman Khan, Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan ayaa lagu soo warramay anay ayaamahan u kulmaan si qarsoodi ah islamarkaana joogto ah, mana jiro wax filim ah oo la ogyahay inay mardhow isla sameynayaan.

Bogga internet-ka ee Hindustan Times oo soo xiganaya warbixin lagu daabacay Website-ka Bollywood Hungama ayaa shaaciyay in jileyaasha ay kulamo yeeshaan mar walba oo ay magaalada wada joogaan.

“Waxay noqotay arrin joogto ah in saddexda Khan ay wada kulmaan iyagoo kulankoodana suurta galiya si kasta oo uu waqtigoodu ciriiri u yahay”, waxaa sidaas yidhi il-wareed uu soo xigtay website-ku.

Shah Rukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan oo ku wada nool magaalada Mumbai ayaa daggan meelo aan kala fogeyn waxayna inta badan ku kulmaan goob uu leeyahay Shah Rukh Khan.

 

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Salman uu aad uga dhuunto warbaahinta, isagoo soo raaca hal qof oo darawal u ah, cid kalena masoo kaxeysto marka uu la kulmayo labada jilaa ee kale.

Markii ugu dambeysay, qof ayaa fashilay kulankooda qarsoodiga ah iyo macluumaadkiisa ku saabsan sababta keenaysa inay si sir ah u kulmaan.

Aamir Khan ayaa sidoo kale goobtaas taga isagoo kaligiis ah, saddexda atoorena waxay marka ay isu yimaadaan habeenkii oo dhan waqtogooda ku dhammeystaan sheeko.

Iyagoo ka sheekeysanaya wararka ku saabsan waxa socda ayuu waaga ugu baryaa, waxayna isu soo laabtaan waqti kale oo aan xilligaas aad uga fogeyn.

Bishii lasoo dhaafay waxay sidoo kale saddexda Khan ku kulmeen guriga uu dagan yahay Shah Rukh.

Wararka ayaa intaas ku daraya in hadda uusan jirin filim saddexdan jilaa ka dhaxeeya oo laga war qabo.

Marka laga soo tago kharashka ay jilista filimada ku qaataan oo aad u badan, saddexdan atoore ayeysan inta badan suuragal ahayn in lagu helo fursad hal filim la isugu wada geeyo.

 

Hase ahaatee, Salman iyo Shah Rukh waxay mararka qaar si gaar ah oo aad u kooban uga soo muuqdaan filimada uu mid walba sida iskiis ah u sameeyo.

Marka ay wada kulmaan saddexdan xiddig, waxay inta badan ka wada hadlaan arrimaha ku saabsan jilayaasha kale, sida Vicky Kaushal, Karthik Aaryan iyo Ayushmann Khurrana, kuwaasoo muddooyinkii dambe guulo waaweyn ka gaaray filimadii ay soo sameeyeen.

Waxay ku ammaanaan sida ay jileyaashaas ugu dadaalaan shaqadooda iyo sida ay ugu baahan yihiin inay mustaqbalkooda u qorsheystaan.

 

 

Dadka qaar waxay kulamada saddexda Khan u arkaan nasasho, maadaama ay si aan rasmi ahayn u sheekeystaan iyagoo aan warbaahinta la socodsiinin waxa ay ka wada hadlaan iyo qorshaha kulamadooda toona.

Salman Khan, Shah Rukh Khan iyo Aamir Kahan ayaa ka mid ah jileyaasha loogu jecelyahay shirkadda Bollywood-ka, waxaana taageerayaashooda ka mid ah Soomaali farobadan