Boqor Buurmadow Muxuu Kaga Jawaabay In Ciidamo Taabacsani Ay U Goosteen Maamulka Puntland?

0

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), ayaa beeniyay islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Badhasaabka gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro), oo sheegay in ciidan uu leeyahay Booqor Buurmadow oo tikniko leh ay u dhaqaaqeen dhanka maamul gobaleedka Puntand. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo Wargeyska Geeska Afrika uu la xidhiidhay isaga oo dalka Imaaraadka Jooga.

Badhasaab Tiinbaro oo Telifeeshanka Eryal kula hadlayay Hargeysa, ayaa yidhi “Ciidan badan oo urursan oo meel joogay may jirin waxa jiray ciidan yar oo meel la yidhaahdo Garabcad joogay oo la yidhi waxa lahaan jiray Buurmadow, anigaygan ayaaba la socday ciidanka meesha tagay waxba ugumaanu tagin waxaase la sheegayaa dhawr baabuur oo la leeyahay ninkaas ayaa leh Puntland ayay u kaceen, manay tagin Puntland ee meel isla gobalka Sanaag ah oo Xiingalool ka sokaysa ayay degan yihiin. Gaadiidka isaga ayaa leh baa la yidhi anaguna isha kamaanu arkin oo markhaati kama ihi ee waa lagu sheegi jiray halkaas.”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow waxa uu sheegay in aanay ciidan isaga taabacsan jirin, isla markaasna cid beeshiisa ka tirsan aanay u talaabin maamul gobaleedka Puntalnd dhibna aanu dalka ugu maqnayan” Waxaan kuu xaqiijinayaa anigu oday nabada lagu yaqaano oo ka shaqeeya ayaan ahay, qarankana dhibaato uguma maqni wax ciidan ah oo aan leeyahay ama aan maamulaa ma jirto,beeshayduna waa beelaha nabada Somaliland ku adag ma jirto cid beeshayda ka mid ah oo ku biirtay Puntlnad ama u gashay.”