Dawlada Jabuuti Oo Xidhay Xadka Ay La Wadaagto Somaliland Iyo Sobobta!

0

Dawlada Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay Xidhay Xadka ay la wadaagto Somaliland, Walaacyo Kasoo kordhay dhinaca caafimaadka ah oo jira awgood.

Qoraal kasoo baxay dawlada Jabuuti ayaa lagu sheegay in xadka laga hakiyay isku socodka dadka mudo 15 maalmood ah, kadib markii caabuqa Covid 19 kusoo laba kacleeyay caalamka oo ay kamid tahay Somaliland,

Dawlada ayaa fulinta amarkan u xil saartay wasaaradaheeda Difaaca, Gudaha iyo Caafimaadka si loo ilaaliyo shuruucda badqabka bulshada reer Jabuuti ayaa lagu yidhi qoraalka maanta kasoo baxay dawlada jabuuti.