Qalalaasaha Tigray: Weriye ka tirsan BBC, Girmay Gebru, oo militariga Itoobiya ay xireen

0

Militariga dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay weriya ka tirsan BBC-da oo ku sugnaa gobolka ay colaaduhu ka socdaan ee waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

Girmay Gebru, oo u shaqeeya laanta Tigranya ee BBC-da, ayaa laga qabtay makhaayad ku taalla caasimadda gobolkaas ee Mekelle. Afar qof oo kale ayaa lala xiray.

Ma cadda sababta loo xiray raggaas balse BBC-da ayaa cabasho u gudbisay dowladda Itoobiya.

Mr Girmay ayaa lagu soo waramayaa in la geeyay xero militari oo ku taala magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray.

Weriye Tamirat Yemane, iyo laba turjumaano ah oo lagu kala magacaabo Alula Akalu iyo Fitsum Berhane, oo u kala shaqeynayay Financial Times iyo wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sidoo kale la xiray maalmihii la soo dhaafay.

Gobolka Tigray waxaa gacanta ku hayay militariga tan iyo bishii Nofeembar, ka dib markii uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed amray in ciidamada ay xukunka ka tuuraan kooxda TPLF ee maamulaysay gobolkaas.

AFP iyo Financial Times ayaa ogolaansho u helay tabinta qalaasaha gobolka ka jiray.

Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in rag xiran dharka militariga ay kaxeysteen Mr Girmay.

Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa yiri: “Waxaan dowladda Itoobiya u sheegnay walaaca aan qabno, waxaana sugeynaa jawaabtooda.”

Dagaallo ayaa wali ka socda Tigray, inkasta oo dowlada ay ku dhawaaqday in ay ka guuleysatay TPLF.

Boqollaal ayaa ku dhintay halka tobanaan kun oo qofna la barakiciyay.

Waxaa jira walaac laga qabo warbixinnada sii kordhaya ee ku saabsan xasuuqa ay geysanayaan dhammaan dhinacyada iyo dhibaatada ka sii daraysa ee bina’aadamnimada, sida ay warbaahinta sheegtay.

Sarkaal ka tirsan xisbiga talada haya ee Itoobiya ayaa dhawaan ka digay in tallaabooyin laga qaadi doono dad ay ku eedeeyeen “marin habaabinta warbaahinta caalamiga ah”.