Aas qaran o loo sameeyay suldaankii Guud ee reer saaxil Suldaan Cismaan Cali Kooshin iyo caleemo saarka wiiliisa oo dhaxlay suldaanimdaii

0

Allah Ha Unaxariistee waxa Xabaalaha Baqiic ee galbeedka Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyay Suldaankii Guud ee Beelaha Ciise Muuse Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo 10.09.2020 ku geeriyooday dalka Isutaga imaaraatka Carabta.

Aaska Marxuumka oo maanta duhurkii Soo gaadhay Hargeysa ayaa waxa siday Diyaarada Dallo Arirlines oo si khaasa loogu soo kireyay Marxuumka waxaana wehelinaayay Meydka Marxuumka Qaar kamida Eheladiisa uu ku jiro dhaxal sugaha Sadalada Suldaan Cali Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo Madaarka Cumaamada sadlada Cusub lagu saaray.

Aaska Marxuumka ayaa Waxa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Golihiisa Xukumada, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Mujaahidiintii Dalka xoreeyay ay kamid yihiin Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne iyo Cabdiraxmaan Awcali Iyo Guud ahaan Madaxda dhaqanka Somaliland oo isaga kala yimi Gobolada iyo Degmooyinka dalka waxaanad Moodaysay inaan aaska marxuumka Cidiba ka maqnayn Haldoorkii Somaliland iyo shacab weynaha Somaliland.

Waxa Xusid Mudan Gudoomayaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo dalka Debediisa ku maqan ayaan goob joog ahayn aaska Marxuul Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin.

Aaska Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin Kadib ayaa waxa loo balamay wakhti yar ka bacdi in Xeebata batalaale Lagu qabto xaflad balaadhan oo dhaxal sugaha Sadalada lagu caleema Saarayo.