Agasimaha banka Dhexe e Somaliland oo Duray ganacsatada iyo Qiimaha sarifka oo uu ka haday

0

Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa ka hadlay qiimaha sarifka, waxaanu xusay inay dadaal ugu jiraan sidii lacagta Somaliland tayo u yeelan lahayd.

Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, oo u waramayWargeyska Geeska Afrika,ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Dabcan is bedel ayaa ku yimid qiimihii sarifka lacagta doolarka, oo lacagtii doolarku hoos ayey u dhacday, shilinkii Somaliland sare ayuu u kacay, oo tayo ayuu yeeshay,dadku aad iyo aad bay ugu farxeen oo ay u soo dhaweeyeen, Siyaasada Xukuumadda iyo Qorshaha Baankuna waa sidii uu shilinkeenu tayo u yeelan lahaa,sicir bararkana loola dagalaami lahaa, oo dadkuna si ay maalin walba ula socdaan qiimaha sarifka, fariimo ayaa mobiladooda gacanta loogu diraa”.

Mar uu ka hadlaayey Ganacstada ayaa yidhi “Ganacstadu markii lacagta doolarku qaaliga ahaa, waxay shacabka ka qaadi jireen doolar, hadda oo uu jabayna waxay ka qaadayaan lacagta Somaliland, oo waliba qiimihii ay markii hore ee uu doolarku qaaliga ahaa ayey wixii ay wax siin jireen ayey wax kaga iibinayaan, waxay ahayd madaama uu doolarkii jabay inay wax walba ay jabaan, gaar ahaan Maceeshadam sidaas oo ay tahay markaas Ganacstadu sidaas ay hadda u jeclaadan shilinkii Somaliland, shacabkoodana ha u jeclaadan, oo ha u tudhaan, maceeshadana ha u jabiyaan”

Mar uu ka hadlaayey shir ay dhawaan qabanayaan ayaa wuxuu yidhi ” Waxaanu isha allaah bishan guddaheeda gaar ahaan bishan 23 iyo 24 aanu qorshahaygu yahay in aanu qabano Shir balaadhan oo aanu iskugu yeedhayno qaybaha kala duwan.

Xawaladaha,Baananka,waxaana Shirkaas lagaga hadli doonaa arrimo badan oo aanan hadda ka sii hordhici doonin, balse ku saabsan hawlaha Baanka”