Askari bashiir Cumar oo 41 kun oo doolar Hellay Laakiin Dibi Ugu Celiyay Qofkii lahaa

0

Askari ka tirsan ciidammada cirka ee dalka Nigeria ayaa boorso ay ku jirto lacag gaareyso 41,500 oo doolar dib ugu celiyay dadkii iska lahaa lacagtaas, sida uu sheegay askarigan.

Bashiir Cumar waxaa uu kamid yahay ciidammada cirka ee dalka Nigeria, waxaa uu kamid ahaa saraakiishii loo daadgureeyay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magalaada Kano ee waqooyiga dalkaas si ay amniga u sugaan.

Ciidammada cirka waxay sheegeen inuu roonddo ka sameynayay garoonka isaga iyo ciidammo kale markii uu helay boorso lacag ah.

Markii uu gacanta ku dhigay waxaa uu dib u wacay dadkii iska lahaa boorsaddaas si uu dib ugu celiyo.

Ciidammada waxay sheegeen in Cumar Bashiir abaal marin la guddoonsiin doono si loo dhiirogeliyo saraakiisha kale ee tallaabada noocan ah ku dhaqaaaqo.

Bishii Agosto ayay aheyd markii saraakiisha garoonka diyaaradaha ee Lagos ay abaal marin guddoonsiiyeen labo kamid ah saraakiisha ku sugneyd halkaas kuwaas oo dib u celiyay lacago badan dadkii ay ka luntay.