Atoore caan ah oo lagu sameeyey wixii uu filimada ku jili jiray
Biyo Guure News

May 19th, 2019

Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya xiddiga jila filimada Hollywood-ka ee, Arnold Schwarzenegger, oo lagu weeraray munaasabad ka dhacaysay dalka Koonfur Afrika

71 jirkaan oo ah guddoomiyihii hore ee gobolka California ayaa dhex galay taageerayaashiisa xilli ay socotay munaasabadda bandhig ciyaareedkiisa lagu magacaabo Arnold Classic Africa sporting ee ciyaartooyda lagu tababaro, waxaana dhabarka ka haraatiyey mid kamid ah raggii munaasabadda kasoo qayb galay.

Ninkii weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa in dhacdadaas kaddib gacanata lagu dhigay.

Schwarzenegger ayaa bartiisa twitter-ka uga mahad celiyey taageerayaashiisa iyo sida ay arrintaas uga xumaadeen, balse waxa uu ku adkaystay “in aanay jirin wax laga walwalo”.

Arnold

@Schwarzenegger

And if you have to share the video (I get it), pick a blurry one without whatever he was yelling so he doesn’t get the spotlight.

By the way… block or charge?

13.3K people are talking about this

Muuqaalka ayaa si ballaaran ugu baahan baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, wuxuuna muujinayey Mr Schwarzenegger oo taageryaashiisa sawirro kula galayaha munaasabad ka dhacaysay magaalada Johannesburg kadib markii nin soo booday uu labadiisa lugood oo wadajira hal mar dhabarka uga laaday.

Xiddigaan filimada jila ayaa horay u turunturrooday kadib markii uu laadku ku dhacay, ayadoo ninkii weerarka soo qaadayna uu dhulka ku dhacay, kaas oo isla markiiba ay ilaalada ammaanku garba duub u qabteen.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiintii munaasabaddu, ninkaas ayaa markii dambe loo gacan galiyey saraakiisha booliiska.

Schwarzenegger ayaa taageerayaashiisa ku xiran twitter-ka oo gaaraya afar milyan oo qof qoraal kula wadaagay bartiisa twitter-ka waxa uuna yidhi: ” Waxaan u malaynayey in cidhiidha ka jiray munaasabadda awgeed ay i riixeen dadka ka soo qayb galay barnaamijka, taas oo marar badan dhacda. Balse in la isoo weeraray ayaan ogaaday markaan daawada muuqaalka sida aad aragteenba.”

Taageerayaashiisa ayuu ku tirtirsiiyey in ay diiradda saaraan ciyaarta orodka ee munaasabadda loo qabtay halkii ay weerar ku mashquuli lahaayeen.

Arnold

@Schwarzenegger

Thanks for your concerns, but there is nothing to worry about. I thought I was just jostled by the crowd, which happens a lot. I only realized I was kicked when I saw the video like all of you. I’m just glad the idiot didn’t interrupt my Snapchat.

31.5K people are talking about this

Koonfur Afrika waxaan ku leennahay 90 xarumood oo ciyaaraha qaabilsan, waxaana wax ka barta 24,000 oo orodyahan oo da’ ahaan kala duwan. Aan ayaga diiradda saarno” ayuu ku qoray bartiisa twitter-ka.

Munaasabadda The Arnold Classic Africa ayaa sanad walba la qabtaa bisha May waxayna isugu jirtaa munaasabado badan oo is bar bar socda oo diiradda lagu saaro Jirdhiska, dagaalka iyo sida la isu difaaco.

 

Maqaal

More Maqaalo