Baafin:- Gudoomiyihii Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro

0

Gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) ayaa lays waydiinayaa halka ay ku dambaysay siyaasadii hogaamineed ee xisbigaasi.

Gudoomiye Cirro oo mudooyinkii ugu dambeeyey aanay shacabka somaliland iyo taageerayaashiisuba ka war hayn halka uu ku sugan yahay ayaa haatan la dareemayaa inay maqan tahay doorkii uu ku lahaa siyaasada dalka iyo hogaaminta xisbiga Waddani ee uu doonayo inuu mar labaad murashax u noqdo.

Sida ay qabaan siyaasiyiin iyo shacabkuba, waxa muuqata in gudoomiye Cirro uu haatan xagal daaciyey kaalintii uu xisbiga Waddani ku lahaa siyaasada dalka halka dhigiisa hogaamiya xisbiga Ucid mar kasta lagu arko fagaarayaasha kala duwan walow khudbadihiisu u muuqdaan kuwo madadaalo ah.

gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo  gacan hoose oo taageero ah la leh xukuumada ayaa inta badan la isaga oo ka hadlaya fagaarayaal kala duwan isaga oo inta badan jeediya khudbado uu dadka kaga qoslinayo iyada oo shacabkuna u arkaan majaajilayste gabay doorkii mucaaridnimo ee looga baahnaa.

Balse Gudoomiye Cirro oo haysta taageero badan oo shacabka ah ayaan ka faa,iidaysan fursadaha dhinaca siyaasada ee ilaa hada soo maray waxaana la dareemayaa inuu iska indhatirayo soo bandhigida galdaloolooyinka xukuumada Kulmiye iyo jihada siyaasada dalka lagu hogaaminayo.

Gaabiska gudoomiye Cirro oo hogaaminaya xisbiga ugu weyn mucaaridka somaliland ayaa keentay in wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu goob fagaare ah kaga dhawaaqo in xukuumada Kulmiye ay tabayso doorkii mucaaridka, hadalkaas oo laga dhadhansanayey inuu meesha ka saaray xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani.

warar hoose oo ay hadhwanaagnews helayso ayaa sheegaya in gudoomiye ciro ay mucaaridad adagi kaga furan tahay beesha uu ka soo jeedo iyada oo cadaadis lagu saarayo inuu baneeyo jagada murashaxnimada xisbiga Waddani.

 

sidoo kale warar laga helayo ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in gudoomiye Ciro laftirkiisu uu isku diyaarinayo sidii uu siyaasada uga fadhiisan lahaa marka la eego cadaadisyada lagu hayo iyo gaabiska ku yimid hogaamintiisa xisbiga Wadani

 

 

marka laysku soo duubo dad badan ayaa iswaydiinaya halka uu ku dambeeyey gudoomiye Cabdiraxmaan ciro ee uu jaan iyo cidhib dhigay, iyada oo la baafinayo doorkii uu ku lahaa siyaasada xisbigiisa iyo ta dalkaba

 

xigasho hadhwanaag news