Barasaabka magaalada Maka oo amar ku bixiyay in lasoo xiro gabar fanaanad ah

0

Saraakiisha dalka Sucuudiga waxay amar ku bixiyeen in lasoo xiro gabar fanaanad ah kaddib markii la baahiyay hees ay qaaday oo ay ku amaaneyso haweenka ku nool magaalada Maka.

Waxay fanaanadda heesta ku sheegtay in haweenka Maka ay yihiin ‘kuwo awood leh oo qurxoon’.

Barasaabka magaalada barakeysan ee Maka ayaa sheegay in heesta ay qaadday fanaanadda lagu magacaabo Asayel Slay ay fadeexad ku tahay dhaqanka iyo caadooyinka ka jiro magaalada.

Barasaabka magaalada Maka Khaalid Al Feysal ayaa khamistii amar ku bixiyay in xabisga loo taxaabo dadkii ka dambeeyay in muuqaalka heestaas la faafiyo.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay kasoo horjeedo dhaqanka shacabka ku nool magaaladaas.