BBC Deg deg War Cusub,Xuutiyiinta Yemen o Sheegay Inay sadex Guuto o Xulufada Suciidiga ah Qabsadeen Badhna laayeen 72 kii saacadood e ugu danbeeyay xadka labada wadan u dheexeeya

0

Xutiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen tiro ciidamo Sacuudiga ah ka dib markii ay weerar xooggan ku qaadeen goob u dhow xadka ay labada dal wadaagaan.

Afhayeen u hadlay Xutiyiinta ayaa BBC-da u sheegay in 3 guuto oo ka tirsan ciidamada Sacduudiga ay is dhiibeen.

Waxa uu sheegay in kumanaan ciidan la qabtay qaarkalana la dilay, hase yeeshee saraakisha Sacudiga weli ma aysan xaqiijin sheegashada Xutiyiinta.

”Howlgalkan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo nooociisa ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Xutiyiinta iyo xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo”, ayuu yiri afhayeenka.

Gaashaanle Yahiya Sarea ayaa sheegay in ciidamada Sacuudiga uu soo gaaray ”khasaare nafeed iyo mid hubka ah ahba”.

”Dhamaan ciidamada la qabtay ayaa waxay ka soo muuqan doonaan Telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan Xutiyiinta”, ayuu yiri Yahiya Sarea.

Xutiyiinta ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Weerarradii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee 14-kii bishii Sebteembar lagu qaaday xarumaha saliidda ee Sacuudiga.

Haseyeeshee waddamada baritaara Sacuudiga ee Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa weerardaasi ku eedeeyay inay ka dambeysay Iran, balse Iran ayaa beenisay eedeymahaasi.

Yemen ayaa dagaal iyo khalalaase la daalaa dhaceysay Tan iyo markii 2015-kii Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi iyo xukuumaddisa lagu khasbay inay ka qaxaan magalada Sanca.

Sucuudigu ayaa wuxu taageerayaa Madaxweyne Haadi waxaana xulufo uu hormuud u yahay oo ka kooban dalalka gobolku dagaal kula jirtaa fallaagada.

Xulufadu ku dhawaad maalin kasta weerarro cirka ah ayey ku qaaddaa, Xuutiyiin-tuna had iyo goor waxay gantaalo ku ridaan gudaha Sucuudiga.

Sidoo kale waxa gobolka ka taagan xiisad ka dhalatay loolanka dhex yaal Sucuudiga iyo Iran.

Sucuudiga iyo Maraykanka labaduba waxay ku eedeeyeen Iran weerarro lagu qaaday laba markab oo kuwa saliidda qaada ah bililii Juun iyo Juulaay, hase yeeshee eedahaas Tehran way beenisay.

Bishii May ayaa afar markab oo kuwa saliida qaada ah oo laba ka mid ku maaxayeen calanka Sucuudiga waxa khasaare ka soo gaadhay miino badeed kaga qaraxday badda Imaraadka ee dhinaca Gacanka Cumaan.

Sucuudiga iyo la taliyihii waagaa ee arimaha nabadgelyada qaranka ee Madaxweyne Trump, John Bolton, ayaa labaduba ku eedeeyeen Tehran weeraradaas, hase ahaatee Iran ayaa ku tilmaantay eedahaaa “wax lagu qoslo.”