BBC Haweeney 73 jir ah oo ilmo mataano ah dhashay

0

Haweeney 73 sano jir ah oo ku nool gobolka Koonfurta dalka Hindiya ee Andhra Pradesh ayaa dhashay laba caruur oo mataano ah.

Caruurtan oo gabdha ah ayay dhaqaatiirtu shegeen inay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in la bacrimiyay oo shahwada ninkeeda lagu beeray minka haweeneyda.

“Hooyada iyo caruurta ba aad bay u wanaagsan yihiin”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay dhaqaatiirta haweeneydani.

Haweeneyda caruurta dhashay oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati ayaa sheegtay in iyada iyo seygeyda oo da’diisu ay tahay 82 jir ay marwalba ku han-weynaayeen inay caruur helaan, balse taas aysan horay u dhicin.

“Aad ban ugu faraxsanahay,” ayuu yiri seygeyda Sitarama Rajarao oo la hadlayay BBC-da saacado un kadib markii ay caruurtu dhasheen.

Hasayeeshee maalin kadib, ” ayaa waxaa ku dhacay xanuunka jeex qalalaka ama Stroke loo yaqaano, waxaana haatan lagu daweynayaa isbitalka.

“Waxba gacanta noogu ma jira anaga,wixii qoran way dhacayaan, waxwalba Allaah ayaa gacanta ku haya”, ayuu raaciyay oo mar wax laga weydiiyay cida xanaaneyn doontaa haddii ay wax dhacaan, maadaama labadooduba ay da’da ka daba timid.