BBC Ku-Xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-Ta Soomaaliya Oo La Dilay

0

Ku-xigeenkaasi oo lagu magacaabi jirey C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhoqob” ayaa la sheegay in shalay galab lagu dilay duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday meel 3-KM u jirta Tuulladda Xiriiro ee Buuraha Degmadda Qandala oo  75 KM u jirta magaalladda Bosaaso ee Goblka Bari ee Maamulka Puntland.

Goobjooge lagu magacaabo Maxamed Iid oo tegay tegay goobtii lagu gubay gaadhigaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in dhowr gantaal lagu dhuftay Gaadhigii uu la socday C/xakiim Dhoqob, kaasi oo noociisu ahaa Suzuki.

Waxa uu intaasi ku daray inay Diyaraado Helikoptar ah dul heehaabayeeen halka lagu gubay gaadhigaasi, wuxuuna xusay inay gebbi ahaan wada dhalaalay gaadhigii la duqeeyey.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Puntland, C/samad Maxamed Galan oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa xaqiijiyey in duqeyntii shalay lagu dilay C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhoqob”.

Sida laga soo xigtay QM, Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia ee lagu dilay duqeyntaasi ayaa la sheegay inuu horey gacan uga geystay asaaska Unugii ugu horreeyey ee Kooxda Islaamiga ee Al-itixaad Al-islaamiyah, kadibna waxa uu ku biiray Xarakadda Alshabaab, ka hor inta uusan ku biirin Daacish-ta Somalia ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin.

Dhowr Gantaal ayaa la sheegay in lala helay Gaadhigii uu la socday C/xakiim Dhoqob oo  noociisu ahaaa 4 wheel Driver, waxaana duqeyntaasi kula geeriyooday nin kale oo la socday, kaasi oo aan ilaa iyo haatan aan magaciisa la sheegin.