BBC Maxaa ku dhacay ragga Malaysia markii la yiri reerka u soo adeega?

0

Go`aankii ay dowladda Malaysia ugu oggolaatay in keliya “qofka madaxda u ah reerka” uu guriga ka baxo si uu qoyska ugu soo adeego, taas oo qeyb ka ah tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka xanuunka Covid-19, ayaa waxaa ka dhashay jahwareer.

Ragga qaar ayay kedis ku noqotay marka ay ogaadeen inay mas`uul ka yihiin adeegga qoyska, waxaana ku adkaatay inay kala saaraan noocyada khudaarta, xawaajiyada cuntada lagu darsado iyo waxyaabo kale.

“In ay dowladdu oggolaato in nin uu qoyska adeeg u doono isagoo aan lala socon? Waa musiibo,” ayay haweeney ku soo qortay barteeda Twitter-ka.

Rag badan ayaa la arkayay iyagoo dukaamada ku sugan, isla markaana dhowr jeer hubinaya in adeeggii loo soo diray ay soo iibiyeen.

Jahwareerka dhabta ah ee wax soo iibsashada waa marka ninka oo reerka madax u ah uu u baxo si uu u soo adeego. Taas waxaa ka sii daran marka uu ninku kala garan waayo noocyada khudaarta kala duwan,” ayay tiri haweeney kale.

Rag badan ayaa qirtay inay ku wareereen adeegga qoyska.

” Waan ku wareeray markaan kala saari waayay khudaarta,” ayuu nin ku soo qoray bartiisa Twitter-ka. “Waxaa sidoo kale yaallay noocyo kala duwan oo kabaj ah, kuwa dhaadheer, kuwa gaaban iyo kuwa wareegsan.”

Saidatul Akhmar Yahya, oo 37 jir ah kana shaqeysa banki ayaa BBC Monitoring u sheegtay in mar walba ay iyada soo iibiso adeegga reerka, isla markaana walaalkeed 30 jirka ah Amirul Shafiq uu soo raaci jiray.

Maaddaama ay toddobaadkan guriga ka shaqeyneysay, waxay walaalkeed u dhiibtay liiska adeegga ay u baahan tahay oo ay ka mid ahaayeen “digirta cagaaran” – misirta qallalan oo ay dooneysay inay maraq ka sameyso.

Balse wuxuu soo laabtay isagoo wada nooc kale oo digir ah “Wax aan ku hadlo ayaan garan waayay, waan iska qoslay,” ayay tiri.

Amirul ayaa sheegay in walaashiis ay afka uga sheegtay adeegga, balse marka aan dukaanka tagay, uu ku wareeray nooca digirta loo diray.

Waxay sidoo kale ku qaadatay hal saac iyo bar inuu soo adeego. “Waxay i weydiineysay sababta aan u soo daahay.”

Ragga qaar ayaa qiyaasta adeeggii loo diray mid ka badan soo iibiyay.

Balse dukaamada qaar ayaa la yimid hab ay raga ku cusub adeegga ay u kala garan karaan noocyada khudaarta, iyagoo qoraallo ku dul dhejiyay.

Dadka qaar ayaa kula talinayay ragga inay hubiyaan in telefoonkooda uu dab leeyahay marka ay guriga ka baxayaan, si wixii ay ka shakiyaan ay ugala tashadaan xaasaskooda, balse aysan sameecadda kala hadlin.

“Mid ka mid ah ragga soo adeegayay ayay xaaskiisu telefoonka ka canaanatay isagoo sameecadda kala hadlaya … karooto qaldan ayaad soo iibisay.”