BBC Muxuu yahay ‘dhagaxa qaaliga ah’ ee la sheegay in Al-Shabaab loo iibinayay?

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay dhagax la sheegay inuu yahay “kheyraad qaali ah” oo si “sharci darro ah” looga soo qaaday deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay cidda soo qaadatay dhagaxan oo yaallay meel ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in dad u adeegaya Al-Shabaab ay qaadeen dhagaxan ayna ku howlanaayeen sidii ay ugu iib geyn lahaayeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre , oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Al-shababaab ay ku baraarugeen in dhagaxan uu yahay mid qeyrul-caadi ah.

“Kooxaha argagixisada ah waxay ka kooban yihiin qaar Soomaali iyo kuwo ajnabi ah, marka ajnabigii ayaa gartay in waxan ay yihiin wax dheef leh. Sida aan xogta ku haayo, waxay soo dirsadeen kooxo dillaaliin ah Soomaali ah, kuwaasoo ay ku dhaheen waxaad sheegataan inaad idinku leedihiin dhagaxa oo aah ka ganacsaneysaan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Hase yeeshee warar kale oo soo baxay ayaa shegaya in ganacsato Soomaali ah ay dhagaxan lacag dhan $264,000 oo doolar uga soo iibsadeen Al-Shabaab, ayna doonayeen inay iskood usii iib geystaan, inkastoo guddoomiye Barre uu arrintaas si kulul ugu gacan seyray.

“Waxaas waa naloo sheegay laakiin wax ka jiro ma laha. Caqliga saliimka ah wuxuu diidayaa in Al-Shabaab ay 260 kun oo doolar ku qaataan dhagax malaayiin doolar jooga, ayna dhahaan orda idinku dhoofsada. marka xogta aan annagu heyno waa in dhagaxaas Al-Sabaab loo iibinayo,” ayuu yiri.

Dadka deegaanka ayaa “ku dagaallamay” in dhagaxaas laga qaado meesha uu muddo qarniyo ah yaallay, sida uu BBC-da u sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka feredaalka ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

“Dadka taariikhda degmada yaqaanna markii la weydiiyay dhagaxa wuxuu ahaa mid kumannaan sano meesha yaallay, laakiin annagu wuxuu yahay ma aannaan ogeyn, mar qura ayaan aragnay iyadoo wiishash xamar ka baxay ay dhagixi qodayaan, oo dadkii deegaanka ay ku dagaalamayaan, markaas unbuu xiisihiisa kacay. Al-Shabaab ayaa loo adeegsaday dadka, labo qof ayaa ku dhimatay, odayaal kalena way ku dhaawacmeen”.

Dhanka kale wuxuu xildhibaanka khalad ku tilmaamay habka lagu kala iibsaday dhagaxaas, wuxuuna yiri: “Milkiyadda wax lagu kala gatay ee khaldan waa in Al-Shabaab laga beecsaday, dadka deegaanka ayaan arrintaas noo sheegay. Kuwii soo gatayna waxay leeyihiin annaga dhagaxaan waxaan kasoo gadanay Al-Shabaab, oo noo oggolaatay

Ma jirto xog rasmi ah oo ilaa hadda laga hayo dhagaxan, marka la reebo inuusan u ekeyn dhagaxyada kale ee caadiga ah, mana jiro baaritaan cilmi oo lagu sameeyay.

Hase ahaatee waa dhagax ay aqoon fiican u leeyihiin dadka deegaanka Ceel Cali iyo nawaaxigiisa, sida uu sheegay xildhibaan Amiin Jeesoow oo kasoo jeeda aaggaas.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inay hadda ka war sugayaan dhinaca dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Biyaha iyo Macdanta, taasoo la filayo inay baarto dhagaxa, macluumaadna kasoo saarto.

Arrinta kale ee isha lagu wada hayo waa in si sax ah loo ogaado qiimaha lacageed ee uu ku fadhiyo dhagaxan aadka u culus iyo waliba sida loo qeybsanayo kheyraad ahaan.

Inkastoo haddaba la sheegayo in lacago badan la kala siistay dhagaxa, lama oga in xaaladdu ay ku soo biyo shuban doonto “la mood noqonse weyday”, oo markaas dhagaxa uuba noqdo mid aan waxba goynin.

xigasho bbc