Berbera, Magaalo Nadiifa+mushahar shaqaale ku filan, aynu ku doorano mayor cidin mar labaad,

0

Berbera, 30 kii sanadood ee Midnimadii soomalidu jirtey inta mayor Cidin uu qabtey ayaa ka badan,

Mayor Cidin Aan Ugu Abaal Gudno Inaynu Marlabaad Doorano , Shacabka Saaxil Nin Ganay iyo Nin Galaday Kala Og Cabdishakur cidin Wuxuu Istaahilaa Inaynu Ugu Celino xilka Gudoomiyaha Golaha Deegaanka berbera Waxaa isoo Jiitay Wiigii Dhawayd Mashaariicdii Tirada Badnayd Ee Uu Xadhiga Ka Jaray Maayar Cidin ,

Mishiinka Lagu Baadho cofe 19 Mishiinka Naqas Sameeyaha Ah, Qaybo Dhismayaal Ah Oo Lagu Kordhiyey Cisbitaalka Berbera Waxaa Sidoo Kale Mucjiso Aan Afrikada Barri Ka Dhicin ah Nadaafada Magaalada Ee Sare Loo qaaday Gaadhigii Nadaafadaa Gurigaagi Kugu Qaraacaya Waxaan La Yaabay Mushaharka Shaqaalaha Dawlada hoose Berbera Waa 1000$ Ilaa 400 $ Inta u Dhaxaysa Qiyaastii 400’0000$ Oo Mushahar Ah Ayaa Bilwalba Magaalada Soo Galisaa Dawlada hoose.

Waxaan Aad Iyo aad Ugu Farxay Dhaliyarada Aqoonyahanka Ee Dawlada hoose berbera Shaqaalaysiisay Markaan Muraayadaha Ka Daawado Waxaan arkay Dumar Habeenkii Laamiyada Xaadha Habeenkii Oo Boqolaal Hooyooyinka Magaalada Shaqa Abuur Loogu Sameeyey Waxaa Lay Sheegay Dareewalada Nadaafadu Inay Mushahar U Qaataan 500$ Taasi waxay Keentay Inay Dhowraan Gadiidkay Wadaan,

Anigu Shaqsiyan waxaan aamin sanahey qofka wax u qabta bulshada in lala shaqeeyo, sodonkii sano e aynu kuhoos jirney dawladii xamar fadhiday may qaban wuxuu mayor cidin u qabtey berbera,

Maqalkeygan waxaan ugu maac darey Mayor Cidin aan Ugu Abaal Gudno Inaynu Doorano Mar Labaad

Aqoon yahan Axmed Nuur Jaamac Aaden