Booliiska Kenya oo toogtay nin u dhacaya madaxtooyada

0

Booliiska Kenya oo toogtay nin u dhacaya madaxtooyada

Booliiska Kenya ayaa toogasho ku dhaawacay nin toori wadhfinaya ka dhacay xayndaabka xarunta madaxtooyada ee ku taalla magaalada Nairobi, sida lagu sheegay warbixin uu booliisku soo saaray.

Booliiska ayaa sheegay in ninka la toogtay uu 25 jir yahay isla markaasna uu yahay arday dhiganaya sannadkii shanaad ee jaamacadda.

Markii booliiskii iridda taagnaa ay hor istaageen ayuu mindi ula soo baxay ka dibna darbiga ayuu iska tuuray. Intaas ka dib ayay booliisku toogteen waxayna ka dhaawaceengarabka bidix, ayay intaas ku sii dartay warbixinta booliiska.

Waa la xiray isbitaal ayaana lagu dabiibayaa.