Brazil: Nin qowmiyad ka noolaa oo u dhintay Covid-19

0

Aruká ayaa ahaa ninka keliya ee ka haray qowmiyadda Juma.

Ninkii u dambeeyay ee ka noolaa qowmiyadda Juma ee dalka Brazil ayaa u dhintay Fayraska Korona, taasoo soo afjartay qowmiyad horraantii qarnigii 20-aad ka koobnayd kumannaan qof.

Aruká ayaa ahaa ninka keliya ee ka haray qowmiyaddas, waxaana la rumaysan yahay in da’diisu u dhexaysay 86 ilaa 90 jir. Qowmiyadda Juma oo mar caan ka ahayd gobolka Amazonas ee koonfurta Brazil.

Xasuuq ka dhan ah qowmiyaddaas iyo cudurro dilaa ah ayaa laayay xubnaha Juma, illaa markii dambe uu ka soo haro qoyska Aruká oo keliya.

“Waxaa murug weyn ku haysay sida ay qowmiyaddiisa u badnaan jirtay iyo sida uu ku noqday ninka keliya ee ka haray,” ayuu sheegay Gabriel Uchida, ooo wax ka qoray noolasha qowmiyaddaas.

Bitaté Uru-eu-wau-wau

“Waxaan sii wadi doonnaa dhaqankii awoowayaasheen,” ayuu yiri Bitaté Uru-eu-wau-wau oo 20 jir ah.

Wiil kale oo ay ilma-habreed yihiin laguna magacaabo Kuaimbú ayaa qaatay go’aan kaa lamid ah: “Ma dooneyno inaan hilmaamno halgankii qowmiyaddeena. Waan ku faraxsanahay halgankii ay galeen awoowgay iyo hooyooyinkeen, waana sii wadi doonnaa.”

Kuaimbú ayaa magacyadiisa ku daray midka awowgii hooyo, waxaana uu hadda ku hawlan yahay sidii aqoonsigiisa loogu qori lahaa magaca Kuaimbú Juma Uru-eu-wau-wau.

Ivaneide Bandeira oo u ololaysa xuquuqda qowmiyadaha qadiimiga ah ayaa sheegtay in tallaabada uu qaday Kuaimbú ay tahay mid aan horay u dhicin deegaannadaas.

Dabar go’a Juma

Wixii ka dambeeyay 1940, qowmiyadda Juma ayaa waxa ay bartilmaameed u ahayd dad doonayay inay boobaan kheyraadka deegaankooda, sida ay sheegtay Prof Luciana França oo ka tirsan jaamacadda Federaalka ee Galbeed Pará.

Xasuuqii u dambeeyay ee la diiwaangeliyay ee ka dhan ahaa qowmiyadda Juma ayaa dhacay 1964 xilligaas oo ay ku soo duushay qowmiyad ay deris ahaayeen oo dishay tobanaan ka tirsan raggii Juma.

Ivaneide Bandeira ayaa wax laga naxo ku tilmaantay in ninkii u dambeeyay ee qowmiyaddaas uu u dhinto cudurka Covid-19.

Waxa ay ku eedeysay dowladda Brazil inay ka gaabisay “ka hortagga in cudurka uu gaaro tuulada Aruká”. Waxa ay sheegtay in dowladda looga baahnaa inay baaritaan ku samayso dadka gelaya tuuladaas.

Waxaa aragti taa lamid ah qaba Bitaté: “Waxaan degannahay meel aad uga fog magaalada. Safarkeenu ma badna. Ma ahayn in cudurka uu na soo gaaro. Dowladdu ma aysan qaadin wax tallaaba ah. Waa mas’uuliyad daro ay samaysay xukuumadda,” ayuu yiri.

Cudurka Covid-19 ayaa si weyn u saameeyay qowmiyadaha qadiimiga ah ee dalkaas. Sida uu sheegay xoghaya gaarka ah ee caafimaadka dadkaas, shucuubtaas oo ka kooban 896,900 ayaa waxa uu cudurka ka diay 572 oo qof.

Ururka Apib, oo si madax-bannaan ugu dhaq-dhaqaaqa arimaha qowmiyadaha qadiimiga ah ee Brazil auaa sheegay in tirada dhimashada ay intaa ka badan tahay oo gaarayso illaa 970 qof oo u badan dadka da’da ah, kuwaas oo la dhintay taariikh iyo dhaxal soo jireen ah.