Caleemo saarka Chief Caaqilka Guud ee Nuux Ismaaciil ee dawlad Deegaanka Itoobiya

0

Harta Sheekh Axmed, ]Biyoguure News]Qaban qaabada Xaflada Caleemo Saarka, Chief Caaqil Mustafe Xaaji Ibrahim oo laga dareemaayo Magaalada Harta-Sheekha Qaban qaabada Xaflada Caleemo saarka Chief Caaqilka Guud ee Nuux Ismaaciil ee dawlad Deegaanka Itoobiya, Mustafe Xaaji Ibrahim Maxamud ayaa haatan ka socota magaalada Harta Sheekh, halkaas oo la filaayo in dhawaan lagu caleemo saaro. Hawsha caleemo saarka ayaa haatan si weyn looga dareemayaa , magaalada Harta-Sheekha,

waxana gudaha magaalada laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ay wadaan masuuliyiinta wada hawsha caleemo saarka, sido kale waxa gudaha magaalada lagu dhejiyay Boodhadh ay ku xardhan yihiin sawirada Chief Caaqil Mustafe Xaaji Ibrahim. Dadweynaha ku nool magaalada Harta-Sheekha ayaa si weyn usoo dhaweeyay caleemo saarka Chief Caaqil Mustafe oo ay u arkaan in uu yahay nin ku haboon xilka loo doortay, Chief Caaqil Mustafe Xaaji Ibrahim ayaa ka mid ah ganacsatada ku nool magaalada Harta-Sheekha waxanay dadweynuhu ku barteen in uu yahay shaqi markii horeba ka shaqayn jiray arrimaha danta guud ee bulshada, waxanay ku tilmaameen in uu yahay shaqsi ku haboon xilkan Xaflada Caleemo Saarka ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Somaliland iyo Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya, sido kale waxa la filayaa in ay yimaadaan Madax dhaqameed badan oo ka kala yimaada magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga