Biyo Guure News

Contact Us
  • Qaxootiga Etiopian ka ah Ee Kasoo Cararay dagaalada  dalkooda Ka Socda oo Diiday In Aay Dib U Labtaan
    Qaxootiga Etiopian ka ah Ee Kasoo Cararay dagaalada dalkooda Ka Socda oo Diiday In Aay Dib U Labtaan
    Qaxootiga Etiopian ka ah Ee Kasoo Cararay dagaalada  dalkooda Ka Socda oo Diiday In Aay Dib U Labtaan

    Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay billaabi doonto dib u celinta kumanaan qaxooti ah oo u cararay Kenya todobaadkii hore.

    In ka badan 40,000 oo qof ayaa qaxay, ka dib markii 10 qof lagu dilay dhinaca Itoobiya ee magaalada Moyaale oo ku taalla xudduudda.

    Masuuliyiinta Itoobiya waxay sheegeen in toogashadu ahayd hawlgal amniga la xiriira oo lagu guul darraystay.

    Waxaan la hadlay Guyo Jarso oo ah 21 jir ah, laba goorna la toogtay. Xabbad ayaa dhinac ka goosatay, mid kalena gacantiisa ayey ka dhex baxday.

    “Waa askarta Itoobiya kuwa na toogtay. Waxay bilaabeen inay dadka rasaas ku ridaan” ayuu igu yiri.

    Mr Guyo waxaa markii dambe u suurto gashay inuu xudduudda uga soo gudbo dhinaca Kenya. Waxaan kula kulmay xarun caafimaad oo ku taalla Somare, halkaasoo lagu dabiibayey.

    “Marnaba halkaa dib uguma laaban doono. Waa magaaladaydii, laakin nafta aya ka qaalisan” ayuu yiri.

    Saraakiishu waxay sheegayaan in dadka rayidka ah si khaldan loo dilay intii uu socday hawlgal lagu daba joogay xubno ka tirsan jabhadda xoraynta Oromo, taasoo laga mamnuucay Itoobiya.

    Xukuumadda Itoobiya waxay sheegtay in askartii ku lugta lahayd hawlgalka la xirxiray, baaritaanna lagu hayo.

    Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya Dina Mufti ayaa u sheegay BBC in uu dhacay “shil nasiib darro ah oo cabsi ku dhex abuuray muwaadiniinteenna”.

    Laakinse wuxuu ku adkaystay in “sida cad la gaar wakhtigii ay dalkooda ku laaban lahaayeen”.

    Xiriiriyaha barnaamijka baahida degdegga ah ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Burton Wagacha wuxuu ii sheegay in aysan jirin xeryaha Kenya biyo iyo adeeg caafimaad oo ku filan dadka soo qaxay.

    Mar 21, 2018, 4:36 am
  • Faysal Cali Waraabe Oo Taageeray Bangiyada Sarif Layaasha Ah ,Lehna Adeegyada Edahab iyo ZAAD oo Loo Aaneeyay In Aay Qayb Ka Yihiin Sixir Bararka
    Faysal Cali Waraabe Oo Taageeray Bangiyada Sarif Layaasha Ah ,Lehna Adeegyada Edahab iyo ZAAD oo Loo Aaneeyay In Aay Qayb Ka Yihiin Sixir Bararka
    Faysal Cali Waraabe Oo Taageeray Bangiyada Sarif Layaasha Ah ,Lehna Adeegyada Edahab iyo ZAAD oo Loo Aaneeyay In Aay Qayb Ka Yihiin Sixir Bararka

    Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi doonayso inay wax kaga qabato sicir bararka dalka ka jira,

    Gudoomiye Faysal oo ka hadlayey kulan lagu falanqaynayey sicir bararka oo ay soo qaban qaabisay xarunta daraasaadka siyaasada ee CPA ayaa waxa uu dhaliilay go’aamada ay xukuumadu dul dhigtay adeegyada shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil.

    Ugu horayn gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay waxyaabaha ay somaliland ka baratay dawladnimada ayaa waxa uu yidhi “Dawladnimada waxaynu ka baranay in wasiirada ay ku tartamaan reeruhu, wado ma lihin, caafimaad ma lihin, oo qashinka nalagamaururiyo wali miyaad ka maqasheen, waxa iskugu keen biiray aqoon daro iyo dawlad xumo, haddii aynu aqoon leenahay aqoonteenu dawlad wanaagsan ayey keeni lahayd.”

    Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya wakhtiga madaxweynuhu qabsaday xalinta sicir bararka ayaa waxa uu yidhi “Muuse Biixi waad maqlayseen inuu yidhi sadex maalmood I suga sicir bararka jawaab ayaan ka keenayaa, waxa uu samaynayey mala awaal aduunkana wax mala awaal ahi ma jiro.”

    Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Guddi ayuu u sameeyey sicir bararka waa ayo guddidaasina, waa wasiiradii yaraa ee imika la magacaabay, Xasan Gaafaadhi ayaana gudoomiye u ah,Xasan Gaafaadhi ma waxbuu ka yaqaanaa  sicir bararka iyo dhaqaalaha.”

    Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa difaacay shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil waxaanu yidhi “Labadii shirkadood ee naftaba ku hayey dawlada ee Dahabshiil iyo Telesom ayuu markiiba dagaal ku bilaabeen oo ay yidhaahdeen xidha sarafkiina, Zaad-kana xidha, waana kuwii laga doonayey inay ganacsiga dhiiri geliyaan.”

     

    Jan 29, 2018, 4:20 am
  • Madaxwaynaha  Cudub Ee Somaliland iyo Raysalwasaaraha Ethiopia oo Kulankoodii Kowaad Yaashay
    Madaxwaynaha Cudub Ee Somaliland iyo Raysalwasaaraha Ethiopia oo Kulankoodii Kowaad Yaashay
    Madaxwaynaha  Cudub Ee Somaliland iyo Raysalwasaaraha Ethiopia oo Kulankoodii Kowaad Yaashay

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Addis-ababa ee Bole International Airport, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabiley halkaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

    Iyadoo weftiga madaxweynaha loo gudbiyey qolka nasashada ee madaarka Bole International airport, ka dibna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu qolka nasashada ee Madaarka kula hadlay warbaahinta, waxaanu sheegay in booqashadiisani ay qayb ka tahay sii xoojinta xidhiidhka dheer ee taariikhiga ah ee u dhexeeya labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu ka hadlay madaxweynuhu

    n dalkiisa Somaliland ay ka go’antahay ilaalinta amniga iyo deganaanshaha gobolka Geeska Afrika, si ay mandaqadan aynu ku nool nahay uga hirgasho xasillooni iyo horumar baaxad lehi.

    Waxaanu yidhi madaxweynuhu “Somaliland waxa ka go’an sii xoojinta nabadda iyo deganaanshaha Gobolka Geeska Afrika iyo sidii looga wadashaqayn lahaa in Geeska Afrika gaadho horumar iyo xidhiidh wanaagsan oo ay wada yeeshaan dalalka Gobolku,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

    Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey, “Itoobiya waa dal taariikh dheer oo ay ku faanto qaaradda Afrika leh, waxaannuna tixgelinaynaa doorka ay Itoobiya ku leedahay Midowga Afrika.”

    Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa isna sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iyo shucuubtoodaba uu ka dhexeeyo cilaaqaad qoto dheer, taasoo faa’iido u ah deganaanshaha iyo ammaanka labada dal iyo ta gobolkaba, isagoo xusay in goobta istaraajiyadeed ee ay ku taallo Somaliland ay tahay mid ahmiyad wayn ugu fadhida dalka Itoobiya.

    Ka dibna waxa madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisu la kulmeen ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegne, kaas oo ay kaga wadahadleen arrimo doora oo ku saabsan mandaqada iyo sidii labada dal ay iskaga kaashan lahaayeen danaha ay wadaagaan iyo weliba sii xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

    Markii Kulankaasi soo dhamaadayna waxa war-baahinta si wada jir ah ula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ibtoobiya, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen arrimaha la xidhiidha nabadgelyada, xidhiidhka qotada dheer ee ka dheexya labada dal, isu-socodka, ganacsiga iyo doorka horumarineed ee uu labada dhinac u yeelan doono jidka isku xidhidoona Berbera ilaa wajaale ee (Berbera corridor) oo hirgelintiisu ay qayb lahaadleh ka qaadan doonto isu socodka ganacsiga balaadhan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo dhankiisa ka hadlay kulankii uu laqaatay madaxweynaha Jamhuuriyad Somaliland iyo waxay kawada hadleen, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Waxaanu kawada hadalnay arimaha nabadgelyada, sababtoo ah waxaanu aaminsanahay nabadgelyada Itoobiya inay tahay nabadgelyada Somaliland, sidoo kalena nabadgelyada Somaliland waa nabadgelyada itoobiya. Waxaanu kawada hadalnay in aanu Somaliland kawada shaqayno horumarinta marshuuca Berbera corridor, in la horumariyo oo aanu annaga iyo saaxiibadayadu sii wadno horumarinta marshuuca, si ay uga wada faa’idaystaan labada wadan”.

     

    Jan 17, 2018, 4:20 am
  • “Waxa ay ila tahay salaadiintu waa ay yara deg-degeen, Xisbigu na Kaalendar buu ku socdaa, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Oo U Jawaabay salaadiin  Gobolka Hawd Ah
    “Waxa ay ila tahay salaadiintu waa ay yara deg-degeen, Xisbigu na Kaalendar buu ku socdaa, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Oo U Jawaabay salaadiin Gobolka Hawd Ah
    “Waxa ay ila tahay salaadiintu waa ay yara deg-degeen, Xisbigu na Kaalendar buu ku socdaa, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Oo U Jawaabay salaadiin  Gobolka Hawd Ah

    Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo wax laga weydiiyey bal in uu isku shaandheyn ku sameynaayo Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in ay suurto-gal tahay isku shaandheyn ballaadhan oo uu ku sameeyo Xisbigaasi isaga oo tilmaamay in ay mar kale dib u dhisayaan Xisbiga WADDANI.

    “Xisbiga dibbaa loo dhisayaa oo loo adkeynayaa, waana suurto-gal in isku shaan-dheyn la sameeyo. “.Ayuu yidhi Md.Cirro.

    Cabdiraxmaan Cirro oo mar kale wax laga weydiiyey wakhtiga uu wareejinayo guddoomiyenimada xisbiga Waddani, wuxuu Md. Cirro yidhi  “Waxa ay ila tahay salaadiintu waa ay yara deg-degeen, Xisbigu na Kaalendar buu ku socdaa, wakhti baana loo qabtay arrintaas, wakhtigii na lama gaadhin weli, waana ay imanaysaa Isha Allaahu tacaalaa.

    Dec 19, 2017, 4:14 am
  • DAWLADA  Sacuudiga Oo Mamnuucay Sawirada Lagu Galo Xaramka Iyo Masjidka Nabiga (NNKH)
    DAWLADA Sacuudiga Oo Mamnuucay Sawirada Lagu Galo Xaramka Iyo Masjidka Nabiga (NNKH)
    DAWLADA  Sacuudiga Oo Mamnuucay Sawirada Lagu Galo Xaramka Iyo Masjidka Nabiga (NNKH)

    Dowladda Sacuudiga, ayaa waxay mamnuucday sawirada ay dadka isaga qaadaan Xaramka iyo Masaajidka Nabiga (NNKH).

    Warbaahinta Sacuudiga, ayaa qoreysa in Xukuumadda Riyadh ay soo saartay awaamiirta lagu joojinayo sawirada ay dadka ku galaan Xaramka iyo Masjidka Nabiga.

    Tallaabadan, ayay qaaday Boqortooyada Sacuudiga, ka dib markii barraha bulshada lagu faafiyay sawirada nin Israeli ah, oo isku soo dhex sawiray Xaramka iyo Masaajidka Nabiga, isagoo gacanta ku haysta Kutubka Yahuudda.

    Tani, ayaa waxay ka careysiisay Muslimiinta ku dhaqan magaalada barakeysan ee Maka, iyagoona si kulul u cambaareeyay falkaasi.

    Dhacdadan waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo Mareykanka uu Caasimadda Israel u aqoonsaday Magaalada Qudus, ee dhulka la haysto ee Falastiin.

     

    Sources: universaltvsomali.

     

    Dec 16, 2017, 12:52 pm