Biyo Guure News

Warar
  • Gudoomiye cabdiraxmaan Cirro oo  Jawaab Kusoo Bixiyay Facebook giisa  kasoo qaybgal la,aantii  xuska 18 may
    Gudoomiye cabdiraxmaan Cirro oo Jawaab Kusoo Bixiyay Facebook giisa kasoo qaybgal la,aantii xuska 18 may
    Gudoomiye cabdiraxmaan Cirro oo  Jawaab Kusoo Bixiyay Facebook giisa  kasoo qaybgal la,aantii  xuska 18 may

    Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay madaxweyne Muuse Biixi oo la xidhiidha xuska 18-ka May.

     

    Gudoomiye Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu kaga hadlay maqnaanshaha uu kaga baaqday xuska munaasibada 18-ka May oo maanta lagu qabtay caasimada Hargeysa.

    Gudoomiye Ciro ayaa qoraalkiisa ku yidhi:-

    Waa maalin aanay xisbiyadu isu muuqan oo ay qaranimadu ka weyn tahay.

    Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo!

    Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn.

    Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

    GUUL & GOBANNIMO.

    May 19, 2019, 6:32 am
  • Atoore caan ah oo lagu sameeyey wixii uu filimada ku jili jiray
    Atoore caan ah oo lagu sameeyey wixii uu filimada ku jili jiray
    Atoore caan ah oo lagu sameeyey wixii uu filimada ku jili jiray

    Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya xiddiga jila filimada Hollywood-ka ee, Arnold Schwarzenegger, oo lagu weeraray munaasabad ka dhacaysay dalka Koonfur Afrika

    71 jirkaan oo ah guddoomiyihii hore ee gobolka California ayaa dhex galay taageerayaashiisa xilli ay socotay munaasabadda bandhig ciyaareedkiisa lagu magacaabo Arnold Classic Africa sporting ee ciyaartooyda lagu tababaro, waxaana dhabarka ka haraatiyey mid kamid ah raggii munaasabadda kasoo qayb galay.

    Ninkii weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa in dhacdadaas kaddib gacanata lagu dhigay.

    Schwarzenegger ayaa bartiisa twitter-ka uga mahad celiyey taageerayaashiisa iyo sida ay arrintaas uga xumaadeen, balse waxa uu ku adkaystay “in aanay jirin wax laga walwalo”.

    Arnold

    @Schwarzenegger

    And if you have to share the video (I get it), pick a blurry one without whatever he was yelling so he doesn’t get the spotlight.

    By the way… block or charge?

    13.3K people are talking about this

    Muuqaalka ayaa si ballaaran ugu baahan baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, wuxuuna muujinayey Mr Schwarzenegger oo taageryaashiisa sawirro kula galayaha munaasabad ka dhacaysay magaalada Johannesburg kadib markii nin soo booday uu labadiisa lugood oo wadajira hal mar dhabarka uga laaday.

    Xiddigaan filimada jila ayaa horay u turunturrooday kadib markii uu laadku ku dhacay, ayadoo ninkii weerarka soo qaadayna uu dhulka ku dhacay, kaas oo isla markiiba ay ilaalada ammaanku garba duub u qabteen.

    Sida ay sheegeen mas’uuliyiintii munaasabaddu, ninkaas ayaa markii dambe loo gacan galiyey saraakiisha booliiska.

    Schwarzenegger ayaa taageerayaashiisa ku xiran twitter-ka oo gaaraya afar milyan oo qof qoraal kula wadaagay bartiisa twitter-ka waxa uuna yidhi: ” Waxaan u malaynayey in cidhiidha ka jiray munaasabadda awgeed ay i riixeen dadka ka soo qayb galay barnaamijka, taas oo marar badan dhacda. Balse in la isoo weeraray ayaan ogaaday markaan daawada muuqaalka sida aad aragteenba.”

    Taageerayaashiisa ayuu ku tirtirsiiyey in ay diiradda saaraan ciyaarta orodka ee munaasabadda loo qabtay halkii ay weerar ku mashquuli lahaayeen.

    Arnold

    @Schwarzenegger

    Thanks for your concerns, but there is nothing to worry about. I thought I was just jostled by the crowd, which happens a lot. I only realized I was kicked when I saw the video like all of you. I’m just glad the idiot didn’t interrupt my Snapchat.

    31.5K people are talking about this

    Koonfur Afrika waxaan ku leennahay 90 xarumood oo ciyaaraha qaabilsan, waxaana wax ka barta 24,000 oo orodyahan oo da’ ahaan kala duwan. Aan ayaga diiradda saarno” ayuu ku qoray bartiisa twitter-ka.

    Munaasabadda The Arnold Classic Africa ayaa sanad walba la qabtaa bisha May waxayna isugu jirtaa munaasabado badan oo is bar bar socda oo diiradda lagu saaro Jirdhiska, dagaalka iyo sida la isu difaaco.

     

    May 19, 2019, 6:17 am
  • Suxifiga+Siyaasiga ah ee Yuusuf garaad oo Ka Jawaabay Xuska 18 may  maalinta qaranka somaliland leeyahay iyo      madaxbanaanida daleed ee somaliland
    Suxifiga+Siyaasiga ah ee Yuusuf garaad oo Ka Jawaabay Xuska 18 may maalinta qaranka somaliland leeyahay iyo madaxbanaanida daleed ee somaliland
    Suxifiga+Siyaasiga ah ee Yuusuf garaad oo Ka Jawaabay Xuska 18 may  maalinta qaranka somaliland leeyahay iyo      madaxbanaanida daleed ee somaliland

    Jawaab:

    Somaliland waa dalkeyga iyo dadkeyga. Waa walaalahay Soomaaliyeed oo qaarkood wax i soo baray, aan soo wadashaqeynay. Waa dal iyo dad aan jecelahay oo ka mid ah taariikhdeyda dal iyo teyda shakhsi.

    Markii dalkii naga dhexeeysay uu naga wada burburay, dhibkuna uu markaas dhankooda u badnaa, waxay qaateen tallaabo loo aayay oo degaannadooda ay ku nabadeeyeen dibna ugu dhisteen. Nabadda ka sokow, waxay dhiseen nidaam siyaasadeed iyo hey’ado Dowladeed oo tayo leh.

    Siyaasadi wax kale ma aha ee waa nidaam ay dadka intooda badani isla oggol yihiin. Waxay samaysteen hannaan hadda u shaqeeyaynayay in ka badan laba dersin oo sannadood.

    Intaas oo dhan waan ugu hambalyeynayaa. Allahna waxaan uga baryayaa in uu u xoojiyo nabadgelyada iyo horumarka.

    Maalinta ay go’aansadaan in ay u dabbaaldegaanna waan ku xushmeynayaa.

    Gooni Isu-Taagga.
    Ma rabo in aan munaafaqad ku hadlo. Anigu waxaan ku soo barbaaray kuna soo shaqeeyay in Somaliland ay tahay midkood, laba Gobol oo midoobay oo wadajir u sameystay dal la yiraahdo Jamhuriyadda Soomaaliya.

    Waxaa la igu tababbaray in Xamar oo aan ku dhashay iyo Hargeysa ay labaduba dalkeyga yihiin, isku sina aan cadow uga daafaco. Tusaale sahlan waxaa ah Halyeygii Xalane oo ay hooyadeey isku magaalo ka soo jeedaan in uu u dhintay asaga oo daafacaya Wajaale.

    Maanta rabitaankeyga shakhsiga ahi waa midnimo ay labada Gobol isla oggol yihiin. Taa lama hayo. Xataa dariiqeedii ma muuqdo.

    Gooni isu taagga Soomaaliland isaguna ma haysto heshiis Soomaaliyeed oo Midowgii 1960 looga noqday. Mana haysto sharciyad caalami ah.

    Sida aan anigu ra’yi iyo rabitaan u leeyahay, ayuu muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu u lahaan karaa ra’yi, ha ku noolaado Koofur ama ha ku noolaado Somaliland.

    Waxaanse qirayaa in go’aanka Midnimada ama gooni isu taagga uu yahay mid ka go’aa dadweynaha Somaliland iyaga oo u maraya waddo nabadgelyo oo sharci ah.

    Inteenna kale aan ku ra’yi ahaanno ama aan ka ra’yi duwanaanno e waxaan ku khasban nahay in aan rabitaanka dadweynaha Somaliland ee sharciga ah aan u hoggaansanaanno.

    Hadduu rabitaanku Shacabku uu noqdo Midnimo waa sida aan jecel nahay aniga iyo inta ila aamminsan Midnimada ee Koofur iyo Woqooyiba leh. Haddii uu rabitaanka shacaka Somaliland uu noqdo Gooni isu-Taag waan ku xushmeynayaa, si niyad ah ayaan u aqbalayaa. Ka dibna waan u dalxiis tegayaa, haddii aan u baahdana waan u shaqo tegayaa ama aan degayaa aniga oo waddo sharci ah u maraya.

    Waxaa Qoray Yuusuf Garaad Cumar.

    May 19, 2019, 5:59 am
  • Maxay baryahaan si qarsoodi ah ugu kulmaan Shahrukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan?
    Maxay baryahaan si qarsoodi ah ugu kulmaan Shahrukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan?
    Maxay baryahaan si qarsoodi ah ugu kulmaan Shahrukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan?

    Xiddigaha shirkadda filimada ee Bollywood-ka Salman Khan, Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan ayaa lagu soo warramay anay ayaamahan u kulmaan si qarsoodi ah islamarkaana joogto ah, mana jiro wax filim ah oo la ogyahay inay mardhow isla sameynayaan.

    Bogga internet-ka ee Hindustan Times oo soo xiganaya warbixin lagu daabacay Website-ka Bollywood Hungama ayaa shaaciyay in jileyaasha ay kulamo yeeshaan mar walba oo ay magaalada wada joogaan.

    “Waxay noqotay arrin joogto ah in saddexda Khan ay wada kulmaan iyagoo kulankoodana suurta galiya si kasta oo uu waqtigoodu ciriiri u yahay”, waxaa sidaas yidhi il-wareed uu soo xigtay website-ku.

    Shah Rukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan oo ku wada nool magaalada Mumbai ayaa daggan meelo aan kala fogeyn waxayna inta badan ku kulmaan goob uu leeyahay Shah Rukh Khan.

     

    Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Salman uu aad uga dhuunto warbaahinta, isagoo soo raaca hal qof oo darawal u ah, cid kalena masoo kaxeysto marka uu la kulmayo labada jilaa ee kale.

    Markii ugu dambeysay, qof ayaa fashilay kulankooda qarsoodiga ah iyo macluumaadkiisa ku saabsan sababta keenaysa inay si sir ah u kulmaan.

    Aamir Khan ayaa sidoo kale goobtaas taga isagoo kaligiis ah, saddexda atoorena waxay marka ay isu yimaadaan habeenkii oo dhan waqtogooda ku dhammeystaan sheeko.

    Iyagoo ka sheekeysanaya wararka ku saabsan waxa socda ayuu waaga ugu baryaa, waxayna isu soo laabtaan waqti kale oo aan xilligaas aad uga fogeyn.

    Bishii lasoo dhaafay waxay sidoo kale saddexda Khan ku kulmeen guriga uu dagan yahay Shah Rukh.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in hadda uusan jirin filim saddexdan jilaa ka dhaxeeya oo laga war qabo.

    Marka laga soo tago kharashka ay jilista filimada ku qaataan oo aad u badan, saddexdan atoore ayeysan inta badan suuragal ahayn in lagu helo fursad hal filim la isugu wada geeyo.

     

    Hase ahaatee, Salman iyo Shah Rukh waxay mararka qaar si gaar ah oo aad u kooban uga soo muuqdaan filimada uu mid walba sida iskiis ah u sameeyo.

    Marka ay wada kulmaan saddexdan xiddig, waxay inta badan ka wada hadlaan arrimaha ku saabsan jilayaasha kale, sida Vicky Kaushal, Karthik Aaryan iyo Ayushmann Khurrana, kuwaasoo muddooyinkii dambe guulo waaweyn ka gaaray filimadii ay soo sameeyeen.

    Waxay ku ammaanaan sida ay jileyaashaas ugu dadaalaan shaqadooda iyo sida ay ugu baahan yihiin inay mustaqbalkooda u qorsheystaan.

     

     

    Dadka qaar waxay kulamada saddexda Khan u arkaan nasasho, maadaama ay si aan rasmi ahayn u sheekeystaan iyagoo aan warbaahinta la socodsiinin waxa ay ka wada hadlaan iyo qorshaha kulamadooda toona.

    Salman Khan, Shah Rukh Khan iyo Aamir Kahan ayaa ka mid ah jileyaasha loogu jecelyahay shirkadda Bollywood-ka, waxaana taageerayaashooda ka mid ah Soomaali farobadan

     

    May 18, 2019, 5:52 pm
  • Xisbiyada Siyaasada Itoobiya Oo Shir Xasaasi Ah Ku Leh Addis Ababa Iyo Raysal Wasaaraha Oo Qayb Ka Ah
    Xisbiyada Siyaasada Itoobiya Oo Shir Xasaasi Ah Ku Leh Addis Ababa Iyo Raysal Wasaaraha Oo Qayb Ka Ah
    Xisbiyada Siyaasada Itoobiya Oo Shir Xasaasi Ah Ku Leh Addis Ababa Iyo Raysal Wasaaraha Oo Qayb Ka Ah

    Xisbiyada siyaasada ee dalka Itoobiya ayaa wada hadal iyo doodi uga furantay magaalada Addis Ababa ee dalkaasi.

    Sida ay ku warantay wakaalada wararka Itoobiya ee Fana shirkan ayaa lagaga hadlayaa fursadaha iyo caqabadaha ay wajahayso dawlada federaalka ah ee Itoobiya iyo habka ay u socdaan isbadalada ka socda dalkaasi iyo qodobo kale.

    Shirkan oo uu goob joog ka yahay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa sidoo kale lagaga hadli doonaa arimo la xidhiidh dimuqraadiyada la doonayo in laga hirgeliyo dalka Itoobiya.

    Shirkan ayaa waxa cilmi baadhisyo ay sameyeen ku soo bandhigay qaar ka mid ah aqoonyahanada dalka Itoobiya oo ay ka mid yihiin Dr Semir Aman, Professors Hizkias Assefa, Dr Elizabeth Hailegiorgis, and Andualem Arage.

    May 18, 2019, 5:35 pm
  • Wargeyska Standard: Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo lagu xusay fadeexad ku saabsan dahab been abuur ah
    Wargeyska Standard: Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo lagu xusay fadeexad ku saabsan dahab been abuur ah
    Wargeyska Standard: Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo lagu xusay fadeexad ku saabsan dahab been abuur ah

    Wargeyska Standard: Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo lagu xusay fadeexad ku saabsan dahab been abuur ah

     

    Magacyada madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga ayaa lagu xusay fadeexad ku saabsan dahab been abuur ah oo laga iibiyay qof ka tirsan boqortooyada Imaaraadka Carabta, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa Kenya, sida Standard iyo The Star.

    Waxaa in muddo ahba soo jiitamaysay fadeexad la xiriirta dahab la kala iibinayay oo si khiyaano ah loogu khalday xubno ku ka tirsan boqortooyada Imaaraadka Carabta, arrintaasoo lugaha lasoo gashay siyaasiyiin reer Kenya ah.

    Waxaa lagu soo warramay in dahab been abuur ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, xilli laga soo dhoofiyay waddanka Koongada Dimuqraaddiga ah.

    Qiimaha lagu kala iibinayay dahabkan ayaa lagu sheegay ilaa 400 oo malyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta $4 malyan oo doolar.

    Arrintan ayaa markii hore loo xiray 15 qof oo lagu tuhusan yahay inay ku lug leeyihiin, kuwaasoo ay baaritaanno ku socdaan.

    Hase yeeshee, cod si qarsoodi ah loo duubay oo warbaahinta loo gudbiyay ayaa ku faafay baraha bulshada, waxaana laga maqli karaa mid ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ugu caansan oo arrinta dahabka kala hadlaya qof sida la aaminsan yahay lagu magacaabo Ali Zandi oo qeyb ka ah ganacsiga dahabka ee Dubai.

    Seneterka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula oo ka mid ah madaxda mucaaradka Kenya ayaa codkiisa laga maqlayaa cajalka, isagoo qancinaya qofka u doodaya in dahabka loo soo daayo.

    “Raila ayaa madaxweynaha la kulmay si uu arrintan ugala hadlo, wuuna u sharraxay, kadib madaxweynahana wuxuu wacay wasiirka”, erayadaas ayaa ka mid ah hadalladii uu codka ku dhahayay Wetangula.

    Labada qof ee codka ku duuban ayaa ku doodayay sidii loo fududeyn lahaa in dahabka laga soo saaro gacanta dowladda, si loogu gudbiyo dadkii loo waday.

    Marka laga soo tago sheegashada Wetangua, wali jiro war xaqiijinaya inay Madaxweyne Kenyatta iyo Mr Odinga ku lug leeyihiin arrintan.

    Afhayeenka madaxtooyada Kanze Dena ayaa wargeyska Standard ku yidhi: “Ma aanan maqlin, mana arkin, marka waxba kama dhihi karo”.

    Balse madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashada madaxweynaha lagula xiriiriyay arrinta fadeexadda, sida aan kasoo xiganay wargeyska The Star.

    Barasaabka ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu ayaa si carol eh u sheegay in dadka arrimahan lagu tuhunsan yahay aan looga baahneyn inay madaxweynaha lugaha usoo galiyaan.

    Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Jubilee ayaa ka dalbaday Raila Odinga inuu sharraxaad ka bixiyo waxa uu ka ogyahay fadeexadda dahabka.

    Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayey uga digeen inay Mr Kenyatta ku xiriiriyaan fadeexaddan.

    Waxay sidoo kale sheegeen in wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang” ay ka doonayaan inuu faahfaahin ka siiyo sida dalka looga ilaalinayo soo galitaanka dahabka been abuurka ah.

    Philip Etale oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga ODM ee uu Raila Odinga hoggaamiyo ayaa sidoo kale been abuur ku tilmaamay arrintaas, waxa uuna sheegay ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinka uusan ka qeyb qaadanin qandaraaska ku saabsan dahabka been abuurka ah.

    Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in hadda aan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigay Moses Wetangula, oo horay uga tirsanaa siyaasiyiinta sida weyn ugu dhow Raila Odinga

    May 18, 2019, 5:23 pm
  • Maxaa ka jira ‘fadeexadda’ ay warbaahinta caalamiga ah ka faafiyeen haweeney Soomaaliyeed oo 69 jir ah?
    Maxaa ka jira ‘fadeexadda’ ay warbaahinta caalamiga ah ka faafiyeen haweeney Soomaaliyeed oo 69 jir ah?
    Maxaa ka jira ‘fadeexadda’ ay warbaahinta caalamiga ah ka faafiyeen haweeney Soomaaliyeed oo 69 jir ah?

    Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa shaaciyay war ku saabsan in ruqsadii wadista gaadiidka ee gudaha Australia lagala noqday haweeney Soomaali ah oo ka shaqeyn jirtay tagsi, kadib markii ay ku tuhamatay shuruucda, balse isla haweeneydan oo BBC-da la hadashay ayaa beenisay eedeymahaas.

    Xaawo Faarax Caad, oo ka shaqeysa magaalada Melbourne, ayaa lagu soo warramay in laga mamnuucay kaxeynta tagaasida, arrintaas oo la sheegay inay ku muteysatay markii ay qof indhaha la’ oo gaarigeeda soo raacay weydiisay jihooyinka magaalada.

    Waxaa kale oo la shaaciyay inay si khalad ah uga gudubtay calaamadaha casaanka ah ee loogu talogalay in lagu hakado isla markaana ay diidday in ay aqbasho ganaax lagu soo rogay.

    Xaawo ayaa lagu dhaliilay inay tilmaan weydiisay qof aan waxba arkin, sidoo kalena aysan aqoon u lahayn aaladda casriga ah ee dadka hagta ee la yiraahdo GPS ama Google Map.

    Hase yeeshee, wareysi ay siisay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayey ku beenisay dhammaan arrimahan waxayna gaashaanka ku dhufatay fadeexadda ay warbaahinta qaarkeed ka faafiyeen.

    “Waligeyba ma qaadin qof indhoole ah, anigu tababarka waxaan qaatay sanadkii 2004-tii, muddo 15 sano ah ayaan shaqadan waday, cid aan wax yeelay ma jirto, cid ay wax na dhex mareenna ma jirto”, ayey tidhi Xaawo.

    Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey Xaawo sheegtay in wax dhibaato ah oo ay geysatay aysan jirin laakiin arrimahan ay ka dambeeyaan dad ay ku tilmaamnay “inay ka maseyrsan yihiin” shaqadeeda.

    “Waa dad i daba taagnaa oo ka xun baabuurkan aan wado, markii hore rag ayaan gawaarida u kaxeyn jiray laakiin 2016-kii ayaan yeeshay gaari uu magacaygu ku qoran yahay, wayna kasii maseyreen arrintaas”

    Waxay Xaawo BBC-da u sheegtay in dacwaddeeda ay maxkamadda gaartay ayna maamulka ugu dambeyn muddo hal sano laga joogo ka gaareen go’aan ay uga mamnuuceen inay gaariga kaxeyso.

    Xaawo Faarax Caad oo 69 jir ah ayaa in muddo ah ku nooleyd waddanka Australia, waxayna dad badan u arkaan inay ka mid tahay shakhsiyaadka horseedka u ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

    May 18, 2019, 10:02 am
  • Boqollaal aan Muslimiin ahayn oo laga afuriyay masaajid
    Boqollaal aan Muslimiin ahayn oo laga afuriyay masaajid
    Boqollaal aan Muslimiin ahayn oo laga afuriyay masaajid

    Qiyaastii laba boqol oo qof oo u badan dad caddaan ah oo aan Muslimiin ahayn balse daris la ah Masaajid lagu magacaabo Darul Faruuq oo kuyaal magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ayaa lagu marti qaaday kulan afur ah oo ay lahaayeen muslimiinta xaafaddaas.

    Afurkaas ayaa waxaa iska kaashaday maamulka masaajidka iyo ururka Islaamiga ah ee iskuullada magaaladaas.

    Ujeeddada ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii dadkaas loogu sharrixi lahaa waxa ay tahay bisha barakaysan ee Ramadaan iyo in laga jaahil bixiyo su’aalaha ay dadkaasi doonayaan in ay Muslimiinta waydiiyaan.

    Cabdulaahi Faarax oo ka mid ah maamulka masaajidkaas ayaa ka hadlay ujeedada kulankaas iyo waxa ay uga golleeyihiin waxa uuna yidhi: “kulamadaan oo kale waxaa laga faa’idayaa in dadka xaafadda, magaalada ama gobolka nala daggan ay arkaan oo ay soo galaan meel masaajid ah oo ay Muslimiinta bartaan su’aalahoodana looga jawaabo”

    Saacad kahor xilliga afurka ayey dadkaasi dariska la ah masaajidkaas ay soo fadhiisteen goobta ciyaaraha ee masaajidka iyadoo 7-dii qofba lala fadhiisiyey qof muslim ah oo u sharaxa su’aalaha gaarka ah oo ay qabaan.

     

     

    Kurdis Dian oo ah Madaxa Midowga Kiniisadaha Minnesota ayaa waxa uu qabaa in kulamada noocaan ah ee isdhexgalka ah ay horseedi karaan inay hoos u dhacaan falalka Islaam nacaybka ah:

    “Arrintan ayaa ah mid dadka la isugu soo dhawaynayo, waa mid daris wanaag muujinaysa iyo in aan wax badan ka ogaanno diinta Islaamka”. ayuu yidhi Kurdis Dian.

    Muslimiinta ayaa walwal badan ka qaba dhanka nabadgalyada inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan, sida uu sheegay Maxamed Cumar oo ah maamulaha Masaajidka Darul Faruuq. “Bisha Ramadaan maadaan dadku ay masaajidda ku badan yihiin oo ay taraawiix tukadaan, cabsida waddanka kajirta aad bay usoo kordhaysaa, waxaan u baqaynaa in dadka oo tukanaya lasoo weeraro ama dhibaato la gaarsiiyo”.

    Si kastaba ha ahaatee Muslimiinta kunool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in kulamada noocaan ah ay uga golleeyihiin sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen isdhexgalka bulshada iyo in ay dadka aan Muslimiinta ahayn ka wacyi galiyaan fikradaha nacaybka ku slaysan ee ay ka aaminsan yihiin dadka Muslimiinta ah.

    Dalalka reer galbeedka ayaa waxaa marar qaar ka dhaca weerraro dad Muslimiin ah lagu laayo kuwaas oo ay qaadaan dad la sheego in ay neceb yihiin Islaamka.

     

    May 18, 2019, 9:55 am
  • Jabuuti oo sameysay wixii ay Soomaaliya uga digtay
    Jabuuti oo sameysay wixii ay Soomaaliya uga digtay
    Jabuuti oo sameysay wixii ay Soomaaliya uga digtay

    Dowladaha Jabuuti, Itoobiya , Suudaanta Koonfureed iyo Uganda ayaa ku heshiiyay in ay dhistaan qad isku xira caasimadohooda, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiyaa.

    Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD.

    Madaxweynaha Jabuuti ayaa horey u sheegay in Soomaaaliya ay ka digtoonaato isbedelka gobolka ee Itoobiya ay hor keceyso.

    Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu ku sheegay: “Anagu jawigaa nabadeed diyaar baan u nahay, annaguna waxaan niri horta bal arrinkayaga aanu dhameysano, waa dhowdahay, waana sugeynaa. Taasna kama dhigno in aan ka xunnahay ama aan ka horjeedo. Laakiin waxa weeyeen, salad walba xilligeedaa la tukadaa”.

    Mar uu arrimaha dhaqaalaha ka hadlayay wuxuu yiri: “Heshiis anagu aan ognahay oo dhaqaalaha badalaya ama si kale u rogaya oo anagu aan ognahay majiro”.

    Madaxweynaha Jabuuti ayaa loo arkayay inuu ka caga jiidayay isbedelka ka socday Geeska Afrika, laakiin wuxuu ku adkeysanayay in iskaashiga dhaqaalaha uu sidiisii yahay. Hadase waxa ay u egtahay in iskaashigii uu Geelle uga digayay Soomaaliya uu galayo mid la mid ah.

     

    Shirka labada maalmood socday wuxuu ahaa mid lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta qadka. Dhinacyada ay quseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn.

    Dowladda Jabuuti ayaa horey u muuqatay in ay ka cagajiideysay isbedelka uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Itoobiye Abiy Axmed, laakiin dhanka mashaariicda horumarinta, waxay u muuqataa in xukuumadda madaxweyne Gelleh in ay ka faa’ideysanayso.

     

    Qadka isku xiraya Kampala-Jabuuti waa midka afaraad ee la qorsheeyay inuu fududeeyo isku xirta dalalka IGAD.

    Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono qadka isku xirka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca.

     

    May 18, 2019, 9:51 am