Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya oo rasaas isku furay

0

Milatariga dowladda Kenya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayey israsaaseyn daqiiqado socotay dhex martay maalintii Sabtida, xilli ay ku wada sugnaayeen xadka u dhaxeeya labada waddan.

Saraakiil maxalli ah iyo dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in isku dhaca labada ciidan uu yimid kaddib markii ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen mudaharaadeyaal Soomaali ah oo xaggooda u sii dhawaanayay.

Arrintan ayaa ka dhacday furinta ay ciidamada kala joogaan ee u dhaxeysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, gaar ahaan meel u dhow xadka dhinaca Waqooyi ee ay labada dal la wadaagaan waddanka Itoobiya.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Nuur Xaaji Macalimow ayaa israsaaseynta dhex martay labada ciidan u xaqiijiyay BBC-da.

“Ciidammada Kenya ayaa rasaas ku furay dad mudaaharadayay kuna sugnaa agoob u dhaw xadka beledxaawa iyo Mandera. Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ayaa iyagana ka jawaabay oo rasaas ku furay ciidammada Kenya”, ayuu yiri Nuur Xaaji Macalimow.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa goor hore oo sanadkan gudihiisa ah la wareegay magaalada Beledxaawo

Macallimuu ayaa intaasi ku daray in maanta uu jawiga xadka daggan yahay. Wuxuu ka codsaday dowladda federaalka inay soo farageliso arrinta dhacday.

Ma jiro wax khasaare ah oo ay sababta israsaaseynta dhex martay labada ciidan iyo rasaasta ka horreysay ee lagu furay dadka rayidka ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Shacabka mudaharaadayay ayaa ka cadheysnaa dhacdo laga soo tabiyay deegaanka Yado ee u dhow degmada Ceelwaaq, halkaasoo la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku dileen hal wiil oo Soomaali ah sidoo kalena ku kaxeysteen saddex nin oo ay ku jiraan wiilka dhintay aabihiis iyo walaalkiis.

Shir ay Aaxaddii shalay yeesheen madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland iyo golaha wasiirrada maamul goboleedkaas ayaa lagu sameeyay guddi ka kooban shan xubnood oo baadhitaan xaqiiqo raadin ah kusoo sameeya dhacdadaas.

Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo guddigaas hor kacaya, ayaa BBC-da u sheegay in ay tallaabada ku habboon qaadi doonaan marka ay soo ogaadaan sida ay wax u dhaceen.

“Arrintaas mid nagu cusub ma aha, haddii aan xaqiijinno in dadka uu dhibka gaadhay ay shacab ahaayeen, waxaan la xisaabtameynaa ciddii dhibka u geysatay, waddo kasta oo saliim ah, oo dadkeennu ay ku daawoobi doonaan annaguna aan ku daawoobeyno ayaana mari doonnaa.” Ayuu yidhi Cabdirashiid Janan.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin dhacdooyinkan.

Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, oo ku sugan meelaha u dhow xadka labada waddan ayaa si joogto ah weerarro ula beegsada ciidamada Kenya.

Tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, xidhiidhka Muqdisho iyo Nairobi ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ay xiisado la socdeen. Labada waddan ayaa si gaar ah u wadaagay xasarado siyaasadeed oo salka ku haya gobollada Jubbaland, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee APF.

Xiisadaha ayaa cirka isku shareeray bishii March ee sanadkan, kaddib markii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku dagaallameen meel u dhow magaalada Mandheera ee dalka Kenya.