Cudurka Ebola oo ka dillaacay dalka Uganda iyo baqdinta sii kordhaysa ewadmada geeska afrika

0

Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka dalka Uganda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegey in wiil yar oo shan jir ahaa uu maanta u dhintay cudurka Ebola, kaas oo maalmo ka hor laga helay cudurkaasi.

Kiiskaasi ayaa noqonaya kii ugu horreyey ee dalkaasi, tan iyo markii dalka ay deriska yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu ka dillaacay cudurka.

Sarkaalka oo magaciisa ka gaabsaday in la shaaciyo, ayaa sheegey in wiilka uu xalay saq dhexe ku dhintay xarun lagu keligiis lagu baxnaaniyay, gudaha deegaanka Kasese.

Wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa sheegtay Talaadadii in wiilka cudurka laga heley ay hooyadiis tahay Congolese, guursatay Ugandan.

Uganda ayaa sheegtay inay feejignaan sare uga jirtey cudurka Ebola, tan iyo markii uu ka dillaacay bariga dalka Congo, halkaas oo in ka badan 2 kun oo kiis laga diiwaan geliyay.