Dagaal Culus Oo Goor-dhawayd ka Qarxay Magaalada Kismaayo

0

Dagaal ka dhex Qarxay Ciidamada Jubaland iyo kuwa Seeraar oo ka Socda Magalada Kismaayo.
Dagaal culus ayaa maanta qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland iyo ciidamo daacad u ah Cabdinaasir Seeraar oo horay u sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland.
Wararka ka imanaya Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalka uu bilaawday kaddib markii taageerayaasha Cabdinaasir Seeraar isku dayeen in ay dhigaan dibadbax ka dhan ah maamulka Jubbalanad ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)



Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana aaga uu ka dhacay la sheegay in uu degan yahay Cabdinaasir Seeraar, sidoo kalana ay ku taalo xarunta Baarlamaanka Jubbaland. Dagaalka ayaa imanaya xili Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo uu kulan uga socday madaxweynaha Jubbalanad iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Xaalada meelaha uu dagaalku ka dhacay ayaa kacsan waxaana wali la arkayaa ciidamo isku hor fadhiya iyadoo dadka degan ay muujinayaan baqadin la xiriirta in uu xoogeysto dagaalka labada dhinac.