Danjir Cawil oo sheegay Sirta ka danbaysa Dublamaasiyiinta kusoo Qul Qulaya Somaliland

0

Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa guul diblomaasiyadeed ku tilmaamay wufuuda shisheeye ee isugu jira safiirada iyo madaxda kale ee dhawaanahan socdaalada ku imanayay Somaliland.

Danjire Cawil, oo Geeska Afrika uu weydiiyay macnaha ay diblomaasi ahaan yeelanayaan wufuudan shisheeye ee dalka imanaysaa, wuxuu sheegay inay muujinayso in Somaliland noqotya meel aan indhaha laga qarsan karin, “Horta dawlad iyo dalba qiimihiisu wuxuu ku xidhanyahay marba wufuuda timaada iyo dawladaha soo booqda. Tusaale ahaan sannadkii 1974 wuxuu ahaa sannadkii ugu wanaagsanaa siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo wakhtigaas waxay dawladii Siyaad Barre maraysay heerkii ugu sareeyay oo waxa soo booqan jiray wufuud tiro badan oo shisheeye, waana wakhtigii ay Cumar Carte Qaalib iyo Wasiirkii arrimaha dibadda ee Saambiya ku tartamayeen xoghayaha guud ee ururkii Afrika ee OAU.”

Danjire Cawil oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Dawladaha waxa lagu qiimeeyaa iyo dalkaba wufuudda dalalka kale uga imanaysa, wufuudaas dawladaha kala duwan ka socda ee inoo imanaysa qiime gaar ah ayay inoo leedahay oo sababta booqashadu wax kasta ha ahaate, laakiin waxa muhiim ah inay dawladuhu qaraar ku imanayaan taas oo muujinaysa inaynu maanta halkii u fiicdnayd marayno, doorashadiina ka soo baxnay oo nabadgelyo ku dhammaatay imikana doorashadii kale galayno, laakiin qiimaynta ugu weyni waxa weeye diblomaasiyiinta ku soo booqda, waayo dawladuhu waxay eegaan weftiga dalka booqda iyo dawladaha ay ka socdaan.”

Danjire Cawil wuxuu yidhi “Waxaan u arkaa inay tahay guul dblomaasiyadeed oo maanta adduunku indhaha ku hayo, waxaana loo baahanyahay in dadku sidaas ula socdaan.”

Xuseen Cali Ducaale (Cawil), wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Waa qiimayn gaar ah iyo meel ay Somaliland gaadhay oo aanu maanta adduunku indhaha ka qarsan karin. Markaas waxaan arkayaa inay diblomaasi ahaan wufuudda miisaankaas leh ee dalka imanayaa ay macno culus ku fadhiyaan oo ay Somaliland u tahay wax wanaagsan.”