Daraasad Soomaalida ku dartay bulshooyinka caddaanka ah oo hadal heyn abuurtay

0

Baraha Bulshada waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu hadal hayay warbixin kasoo baxday Jaamacadda California ee dalka Mareykanka – oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn caalamka – taasoo bulshada soomaalida ah ku dartay liiska jinsiyadaha caddaanka ah.

“Jaamacadda California iyo dhammaan xarumaha waxbarasho ee ka qeyb qaata barnaamijyada samafalka ee ardayda ayaa codsaday in loo soo gudbiyo xog ku saabsan faraca jinsiyadeed ee ardayda dhigata

waxbarashada ka sarreysa dugsiyada sare. Hase yeeshee xogta lagu qeexay ardaydaas waxay ka duwan tahay midda taariikhiga ah ee ay heyso Jaamacadda California, sababo la xidhiidha isbadalladii la sameeyay 2010-kii,” ayaa lagu yidhi qoraal ay jaamacadda ku daabacday boggeeda internet-ka.

Cilmibaadhistan waxaa la sheegay in lagu eegay lafta ku jirta madaxa dadka, taasoo dib loo tix raacay ilaa qarniyo hore.

Shan qeybood ayaa loo kala dhigay liiska asalka jinsiyadaha, sida ku cad warbixinta jaamacadda.

  • Mareyykanka Madow ama Kuwa Afrika
  • Mareykanka Hindiga ah ama dadka u dhashay Alaska
  • Reer Aasiya
  • Dadka la yiraahdo Pacific Islander ama muwaadiniinta Hawaii
  • Caddaan

Liiska Cadaanka waxaa sidoo kale ku jira Jabuuti, Suudaan, Masar iyo dalalka kale ee Carabta.