Dawlada Eritrea Oo War Ka Soo Saartay Weftiga Ka Socda Ee Somaliland Yimid

0

Dawlada Eritrea ayaa war ka soo saartay socdaal ay somaliland ku yimaadeen wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi iyo la taliyaha madaxweynaha Mr Yeman.

Socdaalkan oo aan hore loo soo shaacin ayaa weftiga ka socday dalka Eritrea waxa hogaaminaya wasiirka arimaha dibada Cismaan Saalax, iyaga oo kulan la qaatay madaxweynaha somalilnd.

 

Hadaba war ka soo baxay wasaarada warfaafinta dalka Eritrea ayaa lagu faah faahiyey socdaalka ay weftigani ku yimaadeen somaliland, waxaanu warku cadeeyey in socdaalka weftigani la xidhiidho hawlo shaqo oo ay mudo laba cisho ah u joogi doonaan somaliland.

Sidoo kale warka ayaa intaas ku daray in socdaalka weftiga ka socda Eritrea ay ku tageen somaliland uu daaran yahay sii xoojinta dedaalka loogu jiro nabada geeska Afrika iyo xidhiidhka labada dal ee somaliland iyo Eritrea.