Dawlada Hoose Ee Berbera Oo Bilaw Barnaamij La Magaca Baxay WARAABI DADKAAGA Oo Talaagado Biyaha Qaboojinaya Lagu Rakibayo Goobaha Danta Guud Ee Adeegyada Bixiya

0

Dawlada Hoose ee Berbera ayaa maanta bilawday Barnaamij la magac baxay WARAABI DADKAAGA oo goobaha danta guud lagu rakibayo Talaagado Qaboojiyayaal ah oo dadku ay si bilaash  ah uga cabayaan biyo qabaw.

Goobaha lagu rakibayo Talaagadaha waxa ka mid ah guud ahaan dugsiyada wax-barashada Berbera, Madarasadaha Quraanka, Masaajidada, Cisbitaalada, Saldhigyada Ciidamada Sariibadaha, Xabsiga wayn iyo Xarumaha dawlada ee adeegyada bixiya sida

Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka, Xafiiska Wasaaradda Caafimaadka iyo dhammaan shanta xafiiska ee Gudiyada Xaafadaha magaalada Berbera.

Sido kale waxay Maamulka Dawlada Hoose ee Berbera waxa ay noo sheegeen inay qorshaynayaan marka ay wajigan koowaad dhameeyaan inay qaar ka mid ah jidadka magaalada Berbera dhinacyadooda ay ku rakibaan Talaagadaha biyaha Qabaw Laga cabayo si dadka wadddoyinka marayaa ay uga cabaan xili kasta.

Talaabadan ay Qaadeen Maamulka golaha Deegaanka Degmada Berbera ayaa noqonaysa Mid aad loogu baahnaa oo wax weyn utaraysa shacabka reer Berbera iyo guud ahaan dadka safarada kuyimaada

maadama oo magaalada Berbera tahay Magaalo Xeebeed Cimiladeedu kulushahay oo Markasta ka duwantahay Cimilooyinka Gobolada kale ee Dalka waan mid lagu Xasuusan doono maamulka golahga Deegaanka ee hadda jooga uu Hormoodka uyahay Mayar Cabdishakur Maxamud Xasan Cidin.