DAWLADA Sacuudiga Oo Mamnuucay Sawirada Lagu Galo Xaramka Iyo Masjidka Nabiga (NNKH)

0

Dowladda Sacuudiga, ayaa waxay mamnuucday sawirada ay dadka isaga qaadaan Xaramka iyo Masaajidka Nabiga (NNKH).

Warbaahinta Sacuudiga, ayaa qoreysa in Xukuumadda Riyadh ay soo saartay awaamiirta lagu joojinayo sawirada ay dadka ku galaan Xaramka iyo Masjidka Nabiga.

Tallaabadan, ayay qaaday Boqortooyada Sacuudiga, ka dib markii barraha bulshada lagu faafiyay sawirada nin Israeli ah, oo isku soo dhex sawiray Xaramka iyo Masaajidka Nabiga, isagoo gacanta ku haysta Kutubka Yahuudda.

Tani, ayaa waxay ka careysiisay Muslimiinta ku dhaqan magaalada barakeysan ee Maka, iyagoona si kulul u cambaareeyay falkaasi.

Dhacdadan waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo Mareykanka uu Caasimadda Israel u aqoonsaday Magaalada Qudus, ee dhulka la haysto ee Falastiin.

 

Sources: universaltvsomali.