Deg Deg, War Cusub o Kasoo bay KiiskiiFanaanada Nimco yassin Caraale iyo walaasheed Adeega yasin caraale

0

Fanaanada Caanka ah ee Nimco Yaasiin Caraale Ayaa kadib markii Ay Haween Kasoo Jeeda beesha gabooye Sheegeen in ay Walaalo yihiin oo Muddo Muran ka Taagnaa ayaa dalka Soo gaadhay Waxaanay Maxkamada Degmada Hargeisa ka Furatay Dacwad kiiskan la Xidhiidha, iyadoo markaasi Nimco Yaasiin Diyaar u ahayd inay Qanciso Gabadhan iyo Dadka kale ee Shakiga lagu Abuurayba, taas oo sababtay in Fanaanadu Kiiskaasi dartii u Joogto hargeisa Muddo Ku Siman Laba bilood. Waxaana ay fanaanad Nimco Yaasiin u soo jeedisay in lagu kala saaro iyada iyo Gabadhan Sheegaynaysa ee La Yidhaa Adeega Dhiiga Hidde sida loo yaqaan ee DNA.taas oo maxkamadu ku qanacday Soojeedinta Fanaanada si loogu kala baxo. 

Haseyeeshee Gabadhan lagu magacaabo Adeega oo Degan Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil Ayaa Si Cad u diiday Inay Timaado Gudaha Caasimada hargeisa, Si loogu kala saaro iyada iyo fanaanada, Waxaana arrintaasi markii ay diiday sababtay in fanaanad Nimco yaasiin Caraale iyadu Dacwad ka Furato Maxkamada Degamada..

Intaasi kadibna Maxkamada Degmada Hargeisa ayaa Soosaartay Warqad Saman ama yeedhmo oo ah, taas oo markii danbe khasab lagu keenay Gudaha Hargeisa gaar ahaan Maxkamada Degmada., Waxaana Maxkamadu ku amartay in dhiiga hidde sidaha laga soo

wada qaado kaas oo aan dalka gudihiisa lagu baadhin balse Magaaalada Addis Ababa Ay isku Raacaan, Waxaana Arrintaasi, ka cago jiiday Adeega oo ah Gabadha markii hore warbaahinta ka sheegtay inay Fanaanada Walaalo yihiin Taas oo ku andacootay in aaney haysan Baasaaboor ama Sharci ay ku tagto Ethiopia, Waxaana Maxkamada Degmada Hargeisa ku Amartay Gabadhan inay Muddo Saddex bilood ah Gudohood kusoo dhammmaysato Sharciyada iyo baasaaboorka Intaa kadibna Ay isku Raacaan Dalka Ethiopiana laguna soo Baadho Addis Ababa.intaa wixii ka horeeyana aaney Waxba ka sheegi karin Wixii Sumcad dil ku ah fanaanada Nimco yaasiin Caraale.

Boqorka  beelaha gabooye boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa maanta shir Jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada hargaysa waxuu shaaca kaga qaaday, in kiiskani ku jiro maxkamada laguna kala saarayo, intaa ka horeysana aaney ka hadli karin dadka uu boqorka u yahay arrinta u dhaxaysa labadan dumar ah