Deg Deg war, Markab ah Nooca xambaara Koonteenarada oo maalintii labaad ku xaniban dekada Berbera iyo sababta

0
Mid Kamida Maraakiibta Koonteenarada Xambaara ee Caalamiga ah ee ay leedahay shirkada MSC ayaa maalintii labaad ku xayiran Dekeda Berbera kadib markii Maxkamada Gobolka Saaxil amar Xayiraada qoraal kusoo saartay iyada oo maxkamadu tixraacaysa qoraal maamulka Wakaalada Dekedaha Somaliland soo saartay oo sheegaya inay dhamaan maraakiibta Dekeda Berbera badeecadaha keena bixiyaan lacag dhan 3500$ Dollar Markasta oo aay kusoo xidhaan dekada berbera,waxana lacagtan  qaadi doonta shirkad magaceeda lagu sheegay(Somaliland Documentaion And Cantrol Of Declared)  hadaba Shirkada lacagtan qaadan doonta aan la aqoonsan meel laga leeyahay ayaa la sheegay inay lacagtan ku qaadan doonto hab la xidhiidha in maraakiibta laga baadho hub iyo waxyaabaha la midka ah waxaana la sheegay inshirkadan  uu Masuul ka yahay Nin magaciisa lagu  sheegay JIBRIIL oo Xukumada Somaliland Ruqsad usoo siisay inuu qaado lacagtan loogu  magac daray baadhida Maraakiibta ee waxyaabaha khatarta ah ee hubku ka midyahay. Shirkada Markabka leh ee MSC oo kamida shirkadaha sida joogtada ah ugu xidhan Dekeda Berbera keenana badecadaha iyo gaadiidka lagu soo Rido  Koonteenarada ayaa ganafka ku dhuftay bixinta Lacagtan oo ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn iyagoo xusay in lacagtan aan lagu qaadin dekadaha  waawyn ee calamka,  markabkan ayan mudo labo casho ah iminka ku xayiran dekada berbera sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiinta  shiradhah koonteerada  qarkood, Sidoo kalena waxa xusid mudan  in lacagtan lagu shubayo akoon namber xisaabtiisu ka furan tahay dalka jabuuti
waxaa is waydiin leh shirakadan qaadaysa lacagta ma waxaa laga leeyahay dalka jabuuti wayo  lacagtu ku dhici mayso acoon xisaabeed ka furan  bangiyada  ku yaala somaliland, mida kale shaqada ay aay qabanysa waa sugid amni  sida lajigeed  sax ma ma noqonayso in shirkad aan muwaadin ahayni fuliso ,
gabgabadii  xiligan  dekada berbera waxa liner ama  si joogto ah ugu xidhan afar shirkadood oo waawayn ahna kuwa koonteenarada xambaara runtiina magaci dekada berbera kor ayaay u qaadeen waxaana ku amaanan muwaadiniita iyagu ku dadaalay in aay maraakiib caalimya  kusoo xidhaan dekada berbera
HOOS KAGA BOGO WARQADA XAYIRAAD