Deg Deg war,Xeebta Ceel garde o berbera u jirta 21km aya waxa kasoo cusbonaaday Khilaaf Hore o Khatar galiyay dadka Degaankaasi wada dega,

0

War Deg Dega o  Kasoo baxaya Degaanka  Ceel garde e Xeebta bariga Berbera o 12km u  jirta magaalada aya  waxaa kazoo cusbaanaaday  Khillaf hore u sababay dhibaato xoogan o iska hor imaad  ukeenay  dadka degaankaasi wada degan sanadkii 2016

Xogta Wararka kazoo baxaya ayaa sheegaya in dad is Urursaday ay degaankaasi ceel garde ka bilaabeen inay ka samaystaan  dhul la dayrayo iyo beero taasoo siday warbaahinta u shegeen odayaal degaankaasi ahi macnaheedu yahay degaamayn cusub o halkaasi laga yagleelayo,  iyadoo sida lawada ogyahay  xukuumadii Madaxwaynihii hore e Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ay  Xayirtay dekad macmal ah o laga waday xeebta ceel garde ,markii dhib laxaad leh ay ka dhacday o sababi gaadhay in dagaal beeleed  Degaankaasi ka qarxo  sanadkii 2016,

Hadaba Wararka kale e Warbaahintu ka heshay degaankaasi Ceel Garde ayaa tibaaxaya in hay,adaha Amingua e Gobolka saaxil ay ka War Helleen Guuxa  ka jira Degaankaasi o ay  uga baqeen in gacan ka hadal ka dhaco,Waxaany Soo Xidh Xidheen  dadkii hawlaha ka waday e ka

samaynsanayay beeraha iyo seesaska, maalintii khamiistii e bishu ahayd 16/4/2020 , dadkan ayaana Hay,adaha Amnigu  usoo  xidh xidheen xaga amaanka  iyo dhul ay  iska calaamadaysteen o sharci daro ah, sida warbaahinta madaxa banana  xogta ku heshay, laakiin ragaasi waa lasoo daayay manta o bishu ahayd 19/4/2020 sida xogo hoose usoo dusiyeen warbaahintana, Amarka ragan lagu sii daayay waxaa soo bixiyay wasiirka Arimaha gudaha jamhuuriyada Somaliland Maxamed Kaahin Axmed