February 22nd, 2021
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan wax farqi ah u dhaxeyn
Al-Shabaab iyo madaxdweynaha xilkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo.
Saciid
Deni oo arrimo badan kafishay ayaa si cad u shaacay in Farmaajo uu ku
qabsaday sababta ay ula kulmeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee
dalka, maadaama buu yiri aan aniga idiinku casuumay Muqdisho.
“Markii
aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe
maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye, anigaa idiin
casuumay, haddaanu imid caasimadii dalka, oo weliba ha la is xantee
qabaa’ilka Hawiye xuduntiisa tahay, ma waxaa leedahay ha arkinina, oo
ha-kala xaajoojina xalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed aanu kala
irdhoobin, waxaan iri taasi suuragal ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne
Saciid Deni.
Mar uu ka hadlayay
aaminaada lagu qabo in kulan looga arrinsanaayo arrimaha doorashada iyo
xal u helida mushkilada taagan oo lagu qabto Muqdisho, Deni waxa uu
sheegay inaysan jirin aaminaad ay ugu qeyb galaan maadaama taliska
Farmaajo aan la aamino karin, sida uu yiri.
Deni
ayaa sheegay in xitaa marka ay tagaan Villa Somalia ay ka baqi jireen
in raashinka sun loogu daro, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa
uu ku tilmaamay inay la mid yihiin kooxda argagixisada Al-Shabaab oo
aysan waxba ugu duwaneyn, isagoona muujiyay in Shabaab iyo Farmaayo aan
la kala saari karin, sida uu hadalka u dhigay.
“Al-Shabaab
miyaan ka baqnaa mise Villa Somalia, sababtoo ah waxyaabaha ay
adeegsanayaan wax farqi ah uma dhaxeeyaan, mar walbana khatar ayaan ku
jirnaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.
Saciid
Deni ayaa cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ugu
horyimaadaan in wadanku ku laabto nidaamkii kali-talisnimo ee laga soo
gudbay 30 sano ka hor, iyadoo laga fogaanaayo qabiileysi iyo in dalku
dib ugu laabto burbur iyo nidaam daro.
Deni oo kashifay Sir badan &Wejigii Qarsoonaa ee Farmaajo+Shan Xaqiiqo
Madaxweynaha
Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa khudbad dheer caawa ka jeediyey
magaalada Garowe, isagoo si aan qarsoodi ahayn bannaanka usoo dhigay
xaalada dalka, shaqsiyadda Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Maxamed
C/llaahi Farmajo iyo halista Soomaaliya soo wajaday xilligan.
Siciid
Deni wuxuu si faahfaahsan uga hadlay qaabka uu u fekerayo Farmaajo ee
ah inuu qabto doorasho uu isagu kusoo baxo, dalkana uu xoog ku heysan
karo, una sameysay ciidamo iyo dad xoogaga wadaniyiin ah oo taageersan,
wuxuuna ka digay inay Soomaaliya halis ugu jirto dagaal sokeeye.
Khudubadda
oo socotay muddo ka badan hal saac ayuu Siciid Deni si qayaxan
bannaanka usoo dhigay dhacdooyinkii uu u soo joogay ee dhex maray isaga
iyo Farmaajo, wuxuuna qaawiyey hadallo labadooda dhex maray oo
qarsoonaa.
Qodobadda muhiiimka ah ee Siciid Deni khudabdiisa ku jia waxaa ka mid ahaa:
1-
In Farmaajo qorsheystay inuu dalka xoog ku qabsado, kuna sii joogo
xukunka, isagoo sheegay inuu heysto: Ciidan, Lacag iyo Wadaniyiin u
daacad ah.
2- Inuusan rabin Doorasho sax ah oo dalka ka dhacda, ee
mar waliba sameynayey wax aan macquul ahayn si waqtiga loo dhammeeyo,
markii ugu danbeysayna uu ku dhegay Magaalada Garbahaarey.
3- In
Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dhisay ciidamo isaga u daacad ah (Haramcad
iyo Gorgor) oo aan marna dagaal la gelin shabaab ee uu isagu adeegsado,
ayna weerarro k fuliyeen Galmudug, Gedo iyo Daljirka Dahsoon.
4- In Dalku halis ugu jiro inuu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo Beesha caalamka aanay wax badan kala socon.
5- In Puntland aanay qeyb ka noqon doonin halista Farmaajo, ayna si Alshbaab iyo maamulka Farmaajo waxba ku kala duwaneyn.
Madaxweynaha
Puntland wuxuu kashifay in Farmaajo ay dad kasoo jeeda Hawiye ay kala
shaqeynayaan sidii uu dalka xoog ugu maamuli lahaa, ayna halistu tahay
inuu dalku ka rido dagaal sokeeye.