Fananadii Magool AHUN ,Waa tuma,goormay hargeysa timid,Bashir Goth

0

Waxey timid Hargeysa 1961 kii, waxey kasoo baqooshey Galkacyo, waxey na shaqaale ka aheyd makhaayad shaaha laga cabo ( sida uu Jabiye sheegey). Safarkeeda waxa ku wehelinayey labo nin: Fanax iyo nin kale oo Yuusuf Shaacir la yidhaahdo – sida uu Maxamed Aden Dacar soo tebiyey. Kooxdani aad bey u la dhacsanaa codkeeda iyo haybadeeda faneed – hibadeeda qarsooneyd – waxaa u baaqey kamankii iyo fan kii curadka ahaa, waxey na soo cago-dhigatey gobolada Waqooyi. Waxey yimaadeen Ceerigaabo, kooxdii ay la socotey na waxey go’aamiyeen in aaney Galkacyo ku laaban. Safarkeedi ayay sii ambaqaadey, dhankaas iyo Hargeysa. 1961 ayuu Sugulle la kulmey Xaliimo Khaliif Cumar ( Magool).

Waa bilowgii fanka casriga Soomliyeed uu socod-barad ka ahaa, uuna gardaadiyey Cabdi Sinimo, ahaa qofkii indhaha u furey 1943 heesaha casriga ah: “ Balwooy hooy Balwooy, waxaa I baleeyey mooyaaneey”. Sidoo kale, waa hilaaddii uu Miyuusiga casriga ah uu ka curtey Boorama – kuna baahey – Hargeysa, Jigjiga, ilaa Xeebta Jabbuuti ugu dambeynna dhulka Xabashdia (Addis Ababa). Aasaaska xaaruunti Radio Hargeysa 1943; iyo dabayshii xornimada iyo qiiradii waddaniyada ee dhalatey ayaa sabab u ahaa curinta suugaan wax ku ool ah. Sida uu Sugulle sheegey, imaansha Magool wuxuu kusoo beegmey baahida loo qabey gabadh heesta, taas oo shacabka Soomaalida, iyo Muslimka ba — mamnuuc ka ahaa iney dumarku fanka galaan. Ragga ayaa kaalinta haweenka meteli jireen. Kooxdii walaaha Hargeysa ayaa bandhig faneed kii ugu horreeyey ku qabtey Cadan iyo Jabbuuti, iyagoo weliba raggu kaalinta haweenka jileen. Gabadhii ugu horreysey ee ka qeyb qaadata bandhig faneed noocana, Sahra Nuur ( Iftiin) ayay aheyd. Marar dambena waxaa kusoo biirtey Faadumo Cabdillaahi ( Maandeeq). Sugulle iyo kooxdii hormuudka ka aheyd Radio Hargeysa, ayaa tijaabinta imtixaanka fan-codeed ka mariyey. Magaceeda Xaliimo Khaliif Cumar oo aanu ku ladhneyn naaneystii loo yaqiiney, ayay kooxdi hordhac u siisey. Cali Sugulle, Maxamed Axmed ( Kuluc), Cali Faynuus, iyo Maxamed Siciid ( Gu’Roon jire) ayay ahaayeen kooxdii tijaabada ka qaadey. Waxey su’aaleen heesta ay imtixaanka ku mareyso, waxey dooratey iney luuqda Banadiga ku heesto, waxey na ku heestey:“Booqasho keliyaaBadh iga hadhaye,Bagoo aanad ina soo Bariday”.“ fadhigii ayaanu kawada kacney, xaadda jidhka ayaa na wada istaagtey… ( Waan gariiray, waan gariiryey dee)”— ayuu yidhi Sugulle. Cabdi Ducaale, loo garan ogyahay ‘Ayuub’ ahaana madaxa Radio Hargeysa ayaa shaqaaleysiiyey Magool. Sida gabadhaha kale ee fanaaniinta, Xaliimo kuma ay adeegsan masraxa, waxaa se loo baahdey magac cusub ay masraxa la tagto. Cabdi Ducaale, wuxuu soo jeediyey tartan abaalmarin lacageed oo dhan 300 SSH la siinayo qofkii magac-bixin ku habboon Xaliimo u bixiyo. Yuusuf Haaji Aden Qabile ( Macalin iyo gabyaa) ayaa ku guuleystey inuu Xaliimo u bixiyo naaneysteeda caanka aheyd ee “Magool / Fresh Green Foliage”. Wuxuu yidhi:“Man u saarayMay arooryaad iyoMa moodayMagool kaliileed”.Magacii cusbaa ee oo ah ‘Magool’ ayaa la ga baahiyey Radio Hargeysa. Shimbirtii iyo iftiinkii boqoradii fanka Soomaliyeed [=Somali Melody] ayay noqotey. Gaar ahaan, Sahra Iftiin oo fankii yara hakisey markii la guursadey, iyo Guduudo Carwo oo Ethiopia usoo ambabaxdey, ayay Magool nalka u daartey. “ Waqtigaas, habluhu iyagoo niqaab iyo xijaaban ayay codka duubi jireen, weliba na qarinaya huwiyadooda dhabta ah [=Identity]; ‘ sharmuutooyinka ayaa jecel iney heesaan ama ku heesaan heeso jaceyl ah [=Only prostitutes sing love-songs] ayaa aheyd fikrada laga heystey inanta fanka kujirta ama ku biirta”.Maandeeq, Sahra Nuux ( Sahra Badhabadha) ayaa kaga horreeyey Magool fanka. Sidoo kale, Qadiija Balo, kana mid aheyd kooxdii Balwo Group, ayaa aheyd inantii sida joogtada ah u heesi jirtey iyada oo aan qarineyn Magaceeda iyo Muuqeeda ba. Hase ahaate, Guduudo Carwo ayaa aheyd, inantii ugu horreysey ee khibrad-faneed gaadha, iyadoo heesaheda laga siin deyn jirey Radio Hargeysa ilaa 1951-kii.Bandhigii la magac baxey “ Himiladeena / Our Aspiration/Dreams” ayay aheyd ruwaayaddii ugu horreeyey ee Magool ka qeyb qaato, kuna qabteen Cadan oo waagaas Jaaliyad badan oo Soomaalieed ku noolaayeen. Sugulle, Cusmaan Maxamed Cabdikariim ( Cusmaan Gacanloo), Baxsan ( Saynab Xaaji Cali), Cabdillaahi Cabdi ( Cabdi Shube), Maxamed Cumar ( Huryo), iyo Cabdillaahi Qarshe, ayay si wada-jir u wada meteleen bandhigaas.Waxey sidaas ahaata ba, iftiinkii boqorada Fanka Soomaaliyeed, waa Magool e’ waxey kusoo caan baaxdey, hees ku jirey ruwaayaddii ‘Gobonnimo / Indepedence’ee ay wada daadihinayeen Maandeeq iyo Baxsan : “ Nin lagu seexdow, Ha seexan / O Man on whose Guard the country sleeps, You shouldn’t yourself Sleeo) ee uu sameeyey Sugulle 1962-kii ( waxyar kahor isku deygii af-gembigii fashilmey ee Hargeysa ka dhacey). U jeeddada heestu oo daarney in la dhiirigeliyo ciiddanka qaranka Soomaalieed, lana siiyo mooraal niyad sami ah. Bandhigan oo markale lagu qabtey Muqdisho, Magool ma ay raacin kooxdi, cabsi ay dadkeeda u xeerineyso, kaalinteedina waa meteshey Maandeeq.Mohamed ismacil farah.Hayaannews

gguji linkska hoose

https://digitalcommons.macalester.edu/bildhaan/vol14/iss1/5/.