Faysal Cali Waraabe Oo Taageeray Bangiyada Sarif Layaasha Ah ,Lehna Adeegyada Edahab iyo ZAAD oo Loo Aaneeyay In Aay Qayb Ka Yihiin Sixir Bararka

0

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi doonayso inay wax kaga qabato sicir bararka dalka ka jira,

Gudoomiye Faysal oo ka hadlayey kulan lagu falanqaynayey sicir bararka oo ay soo qaban qaabisay xarunta daraasaadka siyaasada ee CPA ayaa waxa uu dhaliilay go’aamada ay xukuumadu dul dhigtay adeegyada shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil.

Ugu horayn gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay waxyaabaha ay somaliland ka baratay dawladnimada ayaa waxa uu yidhi “Dawladnimada waxaynu ka baranay in wasiirada ay ku tartamaan reeruhu, wado ma lihin, caafimaad ma lihin, oo qashinka nalagamaururiyo wali miyaad ka maqasheen, waxa iskugu keen biiray aqoon daro iyo dawlad xumo, haddii aynu aqoon leenahay aqoonteenu dawlad wanaagsan ayey keeni lahayd.”

Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya wakhtiga madaxweynuhu qabsaday xalinta sicir bararka ayaa waxa uu yidhi “Muuse Biixi waad maqlayseen inuu yidhi sadex maalmood I suga sicir bararka jawaab ayaan ka keenayaa, waxa uu samaynayey mala awaal aduunkana wax mala awaal ahi ma jiro.”

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Guddi ayuu u sameeyey sicir bararka waa ayo guddidaasina, waa wasiiradii yaraa ee imika la magacaabay, Xasan Gaafaadhi ayaana gudoomiye u ah,Xasan Gaafaadhi ma waxbuu ka yaqaanaa  sicir bararka iyo dhaqaalaha.”

Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa difaacay shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil waxaanu yidhi “Labadii shirkadood ee naftaba ku hayey dawlada ee Dahabshiil iyo Telesom ayuu markiiba dagaal ku bilaabeen oo ay yidhaahdeen xidha sarafkiina, Zaad-kana xidha, waana kuwii laga doonayey inay ganacsiga dhiiri geliyaan.”