FBI oo Dubai ka afduubatay Rag caan ka ah Baraha Bulshada oo aan dalka Maraykanka u dhalan

0

Nin u dhashay dalka Nigeria, oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo lacago uu si sharci darro ah uga qaatay Mareykanka, ayey laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ka afduubatay magaalada Dubai, sida uu sheegay qareenkiisa.

Ramon Olorunwa Abbas – oo dadka ku taxan bartiisa Instagram-ka ee ay tiradoodu tahay 2.5 milyan ay u yaqaannaan Ray Hushpuppi – iyo nin kale oo burcadda internet-ka ah laguna magacaabo Olalekan Jacob Ponle (ama Mr Woodberry) ayaa bishii June lagu xiray magaalada Dubai oo ay ku noolaayeen.

Kaddibna 3-dii bishii July waxay kasoo muuqdeen maxkamad ku taalla magaalada Chicago ee dalka Mareykanka.

Dowladda Imaaraadka Carabta lama laha Mareykanka heshiis maxaabiis isu dhiibis ah, laakiin booliska magaalada Dubai ayaa sheegay inay raggaas u gacan galiyeen Mareykanka.

Afhayeen u hadlay waaxda caddaaladda ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in Hushpuppi laga eryay Dubai oo aan cidna loo gacan galinin. Hase yeeshee kama uusan jawaabin sida uu uga soo muuqday maxkamad ku taalla Mareykanka.

Hushpuppi ayaa bogga uu ku leeyahay Instagram-ka si joogto ah ugu soo bandhigi jiray sawirro muujinaya sida uu kharash aad u badan ugu isticmaalo noloshiisa isagoo ku faani jiray hanti badan oo ay ka mid yihiin gawaari.Muxuu sheegay qareenka Hushpuppi?

Qareenka u doodaya Mr Abbas, oo lagu magacaabo Gal Pissetzky, ayaa BBC-da u sheegay in ninka macmiilkiisa ah uusan wax dambi ah lahayn, lacagtiisa faraha badanna uu ku helay si sharciga waafaqsan.

“Waa qof saameyn ku leh baraha bulshada oo ay uga taxan yihiin malaayiin ruux, waxaana jecel oo ixtiraama malaayiin dad ah, isagana wuu jeclaa, intaas unbuuna sameeyay. Adduunka maanta aan joogno intaas ayaa ganacsi ah,” ayuu yiri.

Mr Pissetzky wuxuu qirtay in uusan “100% la soconin” baraha bulshada, carruurtiisana ay ka aaminsan yihiin inuu ka duqoobay arrimahaas, laakiin uu si fiican u ogyahay “sida lacagta looga sameeyo maanta”.

Qareenkan fadhigiisu yahay Chicago ayaa ku dooday in Hushpuppi uu lacago ka helay shirkado uu wax u xayeysiiyay, arrintaasina waxay horseedeysaa in kiiskan uu daba dheeraado, muddo dheerna ka socdo maxkamadaha Mareykanka.

FBI-da ayaa ku eedeysay Mr Abbas, oo 37 jir ah inuu si sharci darro ah ku qaatay boqollaal milyan oo doolar.

Mareykanka ma qaaday tallaabo sharci ah?

Kiiskan waa kii ugu dambeeyay ee heer sare ah, kuna saabsan muwaadin reer Nigeria ah oo lagu maxkamadeynayo Mareykanka, laakiin qareenkiisa wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka aysan xaq u lahayn inay kasoo kaxeysato magaalada Dubai.

“Sida aan qabo, FBI-da iyo dowladduba waxay arrintan u qaadeen tallaabo aan sharciga waafaqsaneyn, waxayna ninkan kasoo afduubteen Dubai iyagoo aan oggolaansho sharci ah u heysanin,” ayuu yiri Mr Pissetzky, oo wareysi siiyay BBC-da.

“Ma jiro xeer eedeysaneyaasha ay isugu kala gudbin karaan labada waddan, ma jirin tallaabooyin sharciga xaggiisa loo maray, ma jirin warqado la oqray, waa arrin ay iska fulisay FBI-da. Ma aha muwaadin u dhashay Mareykanka, xaqna uma laha in Mareykanka uu iska xirto,” ayuu yiri.

Laakiin booliska Dubai ayaa bartooda Facebook ku sheegay in agaasimaha FBI-da uu uga mahad celiyay inay labada nin u gacan galiyeen.

Ray Hushpuppi ayaa ilaa markii la xiray waxaa dadka ku taxan Instagram-kiisa kusoo biiray 100,000 oo cusub.

Dacwadaha laga gudbiyay waxaa ka mid ah in Mr Abbas uu mas’uul ka ahaa koox burcadda internet-ka ah oo bartilmaameedsanayay hay’adaha sharciga ee Mareykanka, bangiyo iyo koox ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Olalekan Jacob Ponle, oo loo yaqaanno “Mr Woodbery”, waa ninka labaad ee lala xiray Hushpuppi, waxaana loo heystaa inuu dhinaca internet-ka lacago badan ku dhacay.

Michael B Nash, oo ah qareenka u doodaya ayaa garsoorka maxkamadda u sheegay in aan wali loo fasixin inuu la kulmo ninka uu matalayo.

Khamiistii ayey maxkamadda u oggolaatay inuu 15 daqiiqo lasoo hadl. Markii uu kasoo laabtay ayuu codsaday in dhageysiga dacwadda looga dhigo xilli kale.

“Runtii waxba kama hadli karo hadda, waa inaan soo baaro xaqiijooyinka ku saabsan kiiskan,” ayuu ku yiri BBC-da.

Mr Ponle, oo 29 jir ah ah, wuxuu leeyahay Instagram lagu magacaabo “Mr Woodberry”, balse FBI-da ayaa sheegtay inuu email-llada u adeegsado magaca “Mark Kain”.

Wuxuu wajahayaa dacwad ku saabsan inuu dhinaca internet-ka musuqmaasuq ku sameeyay, lacago badanna sidaas ku helay.