Gabadh wariye ah o shaqadii lagaga eryay war ay ka sheegatay coved 19

0

Wariyad u shaqeyneysay taleefishinka Fox ee dalkaasi Mareykanka ayaa shaqadi laga eryay kadib markii ay ka been-sheegtay cudurka Coronavirus, islamarkaana ay siyaasadeysay.A

Wariyadda oo lagu magacaabo Trish Regan ayaa ka howlgeli jirtay qeybta barnaamijyada ganacsiga ee Fox Business, waxaana ay tv-ga ka sheegtay in masuuliyadda cudurkaasi ay leeyihiin xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Mareykanka.

Ujeedka cudurkaasi loo faafiyay ayay sheegtay in lagu bahdilo madaxweyne Donald Trump, xilkana looga tuuro.

Trish ayaa dhaleeceyn baahsan ka heshay warkan ay sii deysay, kaas oo taleefishinka ka baxay 9-kii bishan Maarso, waxaana ay taasi sababtay in ay ku weyso shaqadeeda.

Dad badan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in cudurkan Coronavirus la abuuray, waxaana ay waddamo uu ka mid yahay Shiinuhu sheegay in uu abuuray Mareykanka.