Gantaal lagu weeraray Sacuudiga oo 26 qof dhaawacay

0

Gantaal ay Xuutiyiinta dalka Yemen ku dhufteen garoon diyaaradeed oo ku yaalla koonfurta galbeed ee dalka Sacuudiga ayaa maanta dhaawacay 26 qof oo rayid ah, sida uu sheegay isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen.

Sideed ka mid ah dadkaas ku dhaawacmay garoonka diyaaradaha Apha ayaa la dhigay isbitalka, sida uu sheegay afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Malki.

18-ka kale ayaa isbitalka laga saaray kadib markii ay heleen gargaarka deg degga, sida lagu sheegay bayaanka oo ay sii daysay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Duulimaadyada garoonka Apha ayaa dhowr saac hakad galay ka hor inta aysan dib u billaaban.

Apha oo ah caasimadda gobolka Asir ee buuraleyda ayaa ah meel ay qabow u raadsadaan dadka Sacuudiga ee ka cararaya kuleylka darran ee magaalooyinka Jeddah iyo Riyadh.

Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira saddex dumar ah oo mid ay u dhalatay India, iyo laba caruur oo Sacuudiyaan ah.

Weerarka maanta ayaa imanaya ayadoo Ciidamada difaaca hawada Sacuudiga ay shalay dhexda ka qabteen laba diyaarad oo drone ah oo ay kusoo weerareen Xuutiyiinta dalka Yemen.