Golaha Senate-ka Mareykanka oo diiday dagaalka Yemen

0

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa xalay ansixiya xeer soo afjaraya ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dagaalka Yemen iyo taageerada ay Washington siiso isbaheysiga carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Toddoba ka mid ah mudanayaasha xisbiga talada haya ee Jamhuuriga ayaa taageeray mudanayaasha dimoqraadiga ee soo gudbiyay qodobkaan sharciga ah, waxaana taageertay 54 xubnood, halka ay diideen 46.

Qodobkaan ay soo ansixiyeen golaha senate-ka ayaa hadda horyaalla Aqalka Wakiillada oo lagu wado in ay cod aqlabiyad leh ku ansixin doonaan. Hase yeeshee madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray in uu codka diidmada qayaxan saari doono marka uu soo gaaro xafiiskiisa.

Trump ayaa ku doodaya in go’aanka ka bixista dagaalka Yemen ee Mareykanka uu xagal daacin doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Xeerkaan uu ansixiyay senate-ka ayaa ka dalbanaya maamulka madaxweyne Trump inuu muddo 30 cisho ah uga soo saaro Yemen ciidamada qalabka sida ee Mareykanka.

Haddii uu ansixiyo qodobkaan Aqalka Wakiilada ayaa waxa uu noqon doonaa marki ugu horreysay taariikhda oo uu Golaha Senate-ka adeegsado xeerka awoodaha dagaalka ee lasoo saaray sannadki 1973-ki.

Xeerkaan ayaa marka ay timaado in Mareykanka uu dagaal qaado, awoodaha iyo amarka dagaal gelinta ama ka saarista siinaya congress-ka, halka uu awoodaasi u diidayo madaxweynaha.