Gudoomiyaha Baanka Dhexe Cali Baqdaadi Oo Fooqyo Waa Weyn Ka Dhisanaya Magaalada Hargeysa+Sawiro

0

Gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi oo mudo ku siman sanad iyo dheeraad hayey xilka baanka ayaa durba bilaabay inuu guryo waa weyn ka dhisto magaalada Hargeysa.Gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi oo ka yimid wadanka Canada oo uu deganaansho ku joogay ayaa xilkan loo magacaabay bishii April ee sanadkii 2018, kaas oo haatan bilaabay dhismaha fooqyadan casriga ah ee uu ka yagleelayo magaalada Hargeysa.

Warar hoose ayaa sheegaya in gudoomiyaha baanka dhexe Cali Baqdaadi uu madaxweynaha somaliland u dhiibay lacag gaadhaysa shan boqol oo kun oo doolarka Maraykanka Ah, taas oo uu ugu tala galay in gudoomiyuhu kaga hawl galo sidii uu dawlada ugu soo dabaali lahaa beesha uu ka soo jeedo Cali Baqdaadi oo mucaarid u badan.

Warar kale ayaa sheegaya inay jiraan lacago kale oo loogu tala galay kaga hawl galo sidii uu u soo xera gelin lahaa jabhada caarre, hadaba labadan fooq ee uu dhisanayo ee waa weyn ayuu ugu tala galay hudheelo la seexdo iyo goobo ganacsi iyada oo la qarinayo inuu isagu leeyahay iyada oo amaankiisana ay ciidan ilaalinayaan.

 

Dalalka Afrika ayaa inta badan lagu yaqaanaa in masuuliyiinta xilalka loo magacaabaa ay dhistaan qasriyo waa weyn oo ay ugu tala galeen ganacsi ama raaxo, iyada oo madaxda soomalilandna lagu eedeeyo in mudada gaaban ee xilalka hayaan ay sameeyaan musuq maasuq oo ku helaan guryo iyo baabuur qaali ah, taas oo sababtuna ay tahay inaanay jirin isla xisaabtankii loo baahnaa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu la dagaalamayo musuq maasuqa balse tani waxay cadaynaysaa inaanu u jeedin wax ka qabashada musuqa iyada oo ay hore-na u jireen wasiiro uu xilalka ka qaaday oo lagu eedeeyey falal musuq maasuq oo baahsan.

Ugu dambayn shacabka somaliland oo ay ku jiraan dad danyar ah oo qaarkood aanay maalmo ka mid ah todobaadka helin wax ay quutaan, iyada oo lacagaha ay musuq maasuqayaan madaxda dawladu ay ka timaado dadka muwaadiniinta ah ee danyarta u badan.

xigasho hadhwanaag news