Gudoomiye cabdiraxmaan Cirro oo Jawaab Kusoo Bixiyay Facebook giisa kasoo qaybgal la,aantii xuska 18 may

0

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay madaxweyne Muuse Biixi oo la xidhiidha xuska 18-ka May.

 

Gudoomiye Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu kaga hadlay maqnaanshaha uu kaga baaqday xuska munaasibada 18-ka May oo maanta lagu qabtay caasimada Hargeysa.

Gudoomiye Ciro ayaa qoraalkiisa ku yidhi:-

Waa maalin aanay xisbiyadu isu muuqan oo ay qaranimadu ka weyn tahay.

Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo!

Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn.

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

GUUL & GOBANNIMO.