Hogaamiyaha milatariga ah ee dalka Sudan Janaraal Cabdifatxaax Al Burhaan Ayaa tagaya dalka maraykanka si uu Ugu qanciyo In Laga Saro Liisk Argagaxisada Dalkaasi Dhanka kalena Digiin kaba danbays ah u Diray Mudaharadayaasha

0

Wafdi ka socda dalka Sudan ayaa lagu wadaa inay booqasho ku yimaaddaan Maraykanka.

Ujeedada booqashada wafdigan ayaa lagu shegay inay tahay sidii Maraykanka loogu qancin lahaa in Sudan laga saaro liiska dalalka argagaxisada taageera.

Hogaamiyaha milatariga ah ee dalka Sudan Janaraal Cabdifatxaax Al Burhaan ayaa waraysigii ugu horeeyay ee lala yeesho waxa uu ku sheegay, in wafdiga uu ambabxi doono todobaadkan amma todobaaka dambe.

Al Burhaan ayaa sidaas u sheegay tilifishanka dowladda sudan.

Dowladda Maraykanka ayaa sannadkii 1993kii ku dartay dalka sudan liiska dalalka taageera argagaxisda iyada oo arrintaasi lagu eedeeyay madaxweynihii talada laga qaaday ee Cumar Xasan al Bashiir.

Dowladda uu militariga hoggaamiyo ee Suudaan ayaa digniin u dirtay dadka dibadbaxaya oo ah inay jidgooyooyinka ka qaadaan waddooyinka caasimadda Khartuum xilli ay dibadbaxyo halkaasi ka dhigayaan.

Militariga waxay shacabka u sheegeen inay baneeyaan waddooyinka si xaaladda amniga magaalada loogu soo celiyo.

Madaxa golaha militariga Suudaan, Janaraal Fattax Cabdiraxmaan Burhaan ayaa sheegay in dhibaatada dibadbaxyada aanan lagu sii jiri karin.

Dibadbaxyaasha ayaa ku sugan afaafka hore saldhigga militariga ee Khartuum, waxay codsanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah.

Axaddii, hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa wada waxay sheegeen inay hakiyeen kulan ay la yeelan rabeen militariga si looga wada hadlo helidda dowlad rayid ah.

Waxay ku eedeeyeen in maamulka ay weli ka tirsan yihiin dad horey uga tirsanaa dowladdii u hoggaamin jiray Cumar Al Bashiir.

Militariga waxay sheegeen inay ka go’antahay sidii xukunka ay ugu wareejin lahaayeen dowlad rayid ah isla markaasna waxay ku adkeysteen inay mas’uuliyadooda tahay sugidda xaaladda amniga dalka.