Ilaalo ayay ahayd, haddana waa boqorad

0

Boqorka Thailand ayaa guursday gabar ka mid ahayd ilaaladiisa, waxayna sidaasi ku noqotay boqorad, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay boqortooyada dalkaasi.

Arrintan la yaabka leh ayaa ku soo beegantay maalmo ka hor xafladda caleemasaarkiisa Boqor Maha Vajiralongkorn.

Boqorkan, oo 66 sano jir ah, ayaa boqortooyada la wareegay sannadkii 2016-ka, ka dib markii uu dhintay aabihii, oo aad loo jeclaa.

Dhowr jeer oo hore ayuu guursday, waxaana uu leeyahay toddoba carruur ah, inakstoo ay kala tageen xaasakiisii hore.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay boqortooyada ayaa lagu sheegay in Boqor Vajiralongkorn “uu go’aansaday inuu dalacsiiyo General Suthida Vajiralongkorn Na Ayudhya, oo uu boqorad ka dhigo, hadda ka dibna waxay la maqaam noqon doontaa qoyska reer boqor”.

Boqorad Suthida waxay muddo dheer xiriir lahaayeen Boqor Vajiralongkorn, marar badan ayaana la arkay iyadoo la tagaysa xafladaha, balse xiriirkooda ayaa haatan rasmi laga dhigay.

Suthida Tidjai ayaa horey ugu adeegi jirtay macaamiisha diyaaradda Thai Airways, balse boqorka ayaa xilligaasi u magacaabay inay ku xigeen u noqoto madaxa ilaaladiisa sannadkii 2014-tii.

Sanadkii 2016-kii ayuu isla boqorka ku dhawaaqay in Suthida la siiyay darajada jenaraalka ee ciidammada dalkaasi.