Itoobiya Iyo Eritrea Oo Si Wada Jir Ah Ugu Guulaystay Bilad Caalami Ah Iyo Sababaha Loo Siiyey Oo La Cadeeyey.

0

Dawladaha Itoobiya Iyo Eritrea ayaa si wada jir ah loo gudoonsiiyey abaal marin la xidhiidha nabada.

Labadan wadan ee jaarka ah ayaa lagu abaal mariyey dedaaladii ay galiyeen sidii ay nabadi uga dhex dhalan lahayd iyo heshiisyadii dhinaca nabada ee ay wada gaadheen hogaamiyeyaasha labadaas dal.

Labadan dal ayaa waxa abaal marintan gudoonsiiyey ergooyinka ka qayb galaya shirka sanadlaha ah ee nabada aduunka, kaas oo lagu wadaago dhaqdhaqaaqyada nabada iyo fikradaha la xidhiidha.

Ergooyinka ayaa isku raacay in guddida bixinta abaal marinta nabadu ay labada wadan ee Itoobiya iyo Eritrea gudoonsiiyaan biladaasi.

Safiirka dalka Itoobiya ee wadanka Belgium Grum Abay, hay’addaha midawga iyo Yurub wadamada shirka ka qayb galaya ayaana aqbalay abaal marinta bilada nabada ee la gudoonsiiyey labadan dalk.

Sidoo kale safiirka Eritrea ee midawga Yurub Negassi Kassa ayaa gudoomay bilada abaal marinta labada dale e Itoobiya Iyo Eritrea lagu maamuusay.