Jubaland oo shuruudo ku xirtay ka qeybgalka shirka Muqdisho

0

Jubaland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka qeybgalka shirka looga hadlayo khilaafka harreeyay hanaanka doorashada balse waxay ku xirtay dowr arrimo oo ay kamid yihiin, in dowladda ay raalli gelin ka bixisyo waxa ay ku tilmaantay tallaabada gurucan ay u geysatay muwaadiniinta iyo in la helo damaanad-qaad ku aadan fullinta natiijada shirka.

Arrintani ayaa kusoo aadeysa xilli maanta magaalada Muqdisho uu ka furmay shir looga hadlayo arrimaha doorashada oo ay ka qeybgaleen madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada.

Waxaana shirka ka qeybgelin madaxda Puntland iyo Jubaland.