Kongareeska
Mareykanka ayaa ansixiyay in Joe Biden iyo Kamala Harris ay kala yihiin
madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xiga ee dalka Mareykanka.
Natiijada doorashada ayaa waxaa ansixiyay labada aqal ee Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiillada, kuwaasoo laalay diidmadii laga muujiyay codadka gobollada Pennsylvania iyo Arizona.
Kulankii
caadiga ahaa ee Kongareeska ayaa la hakiyay shalay markii
taageerayaasha Madaxweyne Trump ay ku xoomeen dhismaha Capitol. Kulanka
ayaa la soo celiyay isla markaana sii socday kaddib markii la kala
cayriyay dibadbaxayaasha.
Muxuu Trump ka yiri?
Madaxweyne Trump ayaa haatan soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegayo inuu u hoggaansamayo xil wareejinta 20-ka Janaury, balse wuxuu ku celiyay sheegashada been abuurka ah ee in doorashada lagu shubtay.
“Inkastoo
aan gebi ahaanba ka soo horjeedo natiijada doorashada, xaqiiqduna ay
caddeyneyso, haddana xil wareejin ayaa dhici doonta 20-ka January,” ayuu
ku yiri qoraal lagu soo daabacay akoonka barta afhayeenkiisa ee
Twitter-ka. Twitter-ka ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay akoonka
madaxweynaha.
In
ka badan 60 kiisas ah oo ay gudbiyeen kooxda ololihii Trump oo lagu
diidayo natiijada doorashadii November ayaa guul darreystay.