Waxa Magaalada Johnsburg ee Caasimadda dalka Koonfur Afrika ka socdo Shir lagaga hadlayo Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Xisbiyada Qaranka Koonfur Afrika oo uu ka mid yahay Xisbiga ANC iyo Xafiiska Somaliland ee halkaa ayaa waxa goob-joog ka ah Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, kaasi oo Toddobaadkii hore u duulay halkaasi.
Shirka ayaa waxa lagu soo hadal-qaaday
qaybtii ay Dawladdii sideetamaadkii ee Koonfur Afrika ku lahayd
Dawladdii kacaanka ee Soomaaliya, xilligii ay duqaynaysey Magaalooyinka
Somaliland 1988-kii.
Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Dr.
Sacad Cali Shire oo shirkaa ka jeediyey khudbad ayaa sheegay inay
Somaliland haysato dood adag, taasi oo ay ku kasban karto aqoonsi
Caalamiya ah.
Dr. Sacad waxa kale oo uu sheegay in
markii Somaliland ay Madax-banaanideeda la soo noqotay ay bilowday
xidhiidh ay la samaynayso Dalalka Gobolka, Maantana ay Caasimadda
Somaliland ee Hargeysa ay ku yaallaan Qunsuliyado ay leeyihiin Waddamada
Itoobiya, Jabuuti, Turkiga, UK iyo Taiwan.
Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaa ka
hadlay Masuuliyiin ka mid ah kuwa Xisbiyada Koonfur Afrika ayaa sheegay
in loo baahan yahay in si weyn loo deraaseeyo Arrinta Somaliland inta uu
shirku socdo.
Intaasi ka dib, Wasiirka Maaliyadda oo
Shirkaasi ka dib la hadlay Saxaafadda ayaa faahfaahiyey ujeeddada
shirka uu ka qayb-galay “Waxa halkan lagu qabtay Shir lagu taageerayo
Gooni isku taagga Somaliland iyo Qarannimada Somaliland, shirka waxa ka
qayb-galay Xoogagga horumarka ee Koonfur Afrika oo uu ugu horreeyo
xisbiga shuuciga ah iyo Xisbiga ANC, dhallinyaro badan baa Shirka ka soo
qayb-gashay, shirkuna wuu soconayaa, go’aankiisana waxa la soo saari
doonaa marka uu dhamaado.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan
halkan uga Mahad-celinayaa Ciddii shirkan soo qaban-qaabisay oo uu uga
horreeyo Safiirka Somaliland ee Koonfur Afrika iyo Dadkii ka socday
Xisbiyada Shuuciga iyo ANC ee Shirkan soo qabab-qaabisay..”
Safiirka Somaliland ee Koonfur Afrika
Mr. Axmed Jaamac oo isaguna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay
shirkan muddo ka soo shaqaynayeen sidii uu u qabsoomi lahaa.