Laba Sanadood ka dib -dhamaan Mashaariicdii ku lifaaqnaa mashruuca DPW ma waxay ku soo urureen Waddo la dhaqax dhigaayo?. qalinkii A/rahman fidhinle UK
Biyo Guure News

March 6th, 2019

Markaad dhugato nuqulkii heshiiskii  DPW iyo JSL wada galeen  sanadkii 9/5/2016 –Waxaa isfahanka Heshiiska qaybtiisa kowaad ee “Memorandum Of  Understand ” uu cadeynayaa  in mudnaanta kowaad la siin doono Mashaariicda horumarinta bulshada , kuwaas oo laga ilduufay qalinkana lagu xaday oo hada xukuumadu sheegtay in ay iska ahaayeen uun balan qaad. Mashaariicda horumarinta ee la isla fahmay waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyo horumarinta korontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka   in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somaliland  iyo Shirkada DPW  isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah  taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose  oo kala ah:
1- Phase 0   Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya  (3 Mobile Cranes)   5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers)  3 Tareele oo containarada qaada  (3 empty  carriers)  New Security  system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah.
Wejigani wuxuu ku kacayaa  lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda  Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda.
2- Phase 1  Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab.  Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera  7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejigan oo sanad ka hor aheyd.
3- Phase 2  Wuxuu qeexayaa in wejigan  hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75%  ay markaa hirgelinayaan  Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha  wejigan 2-aad  lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar.
Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa  lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta.
Mudadaa 2-da sanadood  ah ee Shirkada DPWorld  Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo  ay ka mid ahaayeen kuwan hoose:
1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro.
2- In  Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir  ah.
3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) oo aan weli la sheegin waqtiga la dhisi doono.
4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu.
5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada
6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone )
7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay  dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine balanqaad bay ahaayeen.
Waxaa  kaaga  sii daran arinta sare Khiyaamooyinka maldahan ee maalkii  shacabka Soomaaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn qaado aan qaatee, kula lihi iyo kaa lihi,  Boowe !  Waxaa ummadda u cadaatay in :
1- Kiradii Saldhiga  Ciidamada Berbera uu jeeb khaldan ku dhacday, Laakiin ummadda loogu  sheekeeyey in aynu mashariic  dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ??
2- Kiradii  Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey?  ” Timir lafbaa ku jirta “.
3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in ay ku dhacdo shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh.
4- $30 Million oo ururka midowga yurub ay ku balan qaadeen in ay ku bixin doonaan wadda Berbera iyo Wajaale  isku xidhi doonta ayaa maanta lagu dhagax dhigayaa Wadadii  Berbera Corridor oo ummadda lagu jaahwareerinayaa  waase la arki doonaa halka ay ku danbeyso iyo goorta la bilaabi lana dhameyn doono maadaama aan heshiiska lasyla meel dhigin qaybsigii la qeybsan lahaa lacagta guud ee Mashruuca Berbera Corridor  ku bixi doonta Itoobiyana aynu xaalkeeda ka dheregsanahay.
Waxaa Xukuumadu carabkeeda ummadda ugu celcelisay kuna canqarisay sanadadii la soo dhaafay oo dhan in Balaadhinta Dekeda Berbera laba bilood gudahood lagu dhisi doono, lamana dhisin ilaa iyo maantana waxba kama soo naaso cada oo dalkii wuu dhacan yahay oo dulmi ayuu ku jiraa. Waxaa la wada ogyahay in dawlada imaaraatigu ay itoobiya ku maalgeliso lacago faro badan oo gaadhaya $3.Billion doolar halka ay inaga inoo quudhi la yihiin lacagtaa yar ee ay ku balan qaadeen  inay Dekeda Berbera ku maalgelinayaan. Khatarta Dahsoon ee Somaliland hada ku iman kartaa waxaa weeye in ay Ciidamadooda soo dejiyaan Saldhiga Berbera dhawaan kadibna shacabka Somaliland ay ku cabudhiyaan.
Fiiro Gaar ah : Kadib markuu aqoon yahanka Somaliland sameeyeen cilmi baadhis cokan waxay isku raaceen in heshiiskani  khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilan tahay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida  Dekeda Jabouti,  Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal,  iyo Deked Mareykanka ku taala.
 Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan!  Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

Maqaal

More Maqaalo