Liiska Mashaariicda loo bixiyey Abaal celinta Malaasan ! Somaliland miyaa la wada leeyahay mise waa la kala yeeshay

0

Maadaama Madaxweyne Muse Biixi Abdi uu qiray in aanay dalka jirin Xeerka iskaashiga dawlada iyo ganacsiga gaar ka ah ( PPP Act ).

A)- Maadaama aanay jirin Xeerarka iyo xeegaanada Maalgelinta Madaniga ah ee lagu wareejin lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha Dawlada.
B)- Maadaama aanay jirin Xeerarka Maareynta iyo Maalgelinta Hantida Guurtada iyo ma guurtada ee qaranka Somaliland.
C) Maadaama aan loo cuskan wareejinta hantida qaranka ee hoose xeer-nidaamiye dawli ah oo ummadda u qeexaaya waajibaadka masuuliyayeed ee saaran shirkadaha la siiyey qandaraasyadaa kala duwan ama lagu wareejiyey hantidii ma guurtada aheyd ee ummadda Somaliland wada laheyd.
D) Maadaama yoolka Shirkadaha lagu wareejiyey aanay ku saleysneyn istiraajiyad qaran oo xukuumadu ku leedahay saamiyo badan oo waafiya.
E) Maadaama aanay jirin heshiisyo marag-gal iyo marag-fur ah oo ku saleysan tiir sharciyeed heshiis laba dhinac ah.
F) Maadaama aan loo marin hab-wareejintoodii tartan hufan oo xor iyo xalaal ah (fair competition) oo ummadda iyo ganacsatada dalka oo dhan loo soo bandhigay-Waxaa dhamaan Heshiisyadan Hoos ku taxan lagu bixiyey il-duuf sharci, taa soo lagu-tagri falay hanti qaran iyo Kaabeyaal dhaqaale oo qaranku wada lahaa, sidaa daraadeed waxaa dawlada madaxweyne Muse Biixi looga fadhiyaa in ay dhamaan hantidii dawlada ee hore loo bixiyey iyo dhamaan mashaariicdan hoos ku taxan ee dhawaan la bixiyey in dib loo eego oo lagu soo celiyo gacanta dawlada iyo kefedii miisaanka aheyd ee sharciga aheyd.

Ummadda Somaliland kuma qanacsana in mashaariicda yar yarna gudida qandaraasyada la geeyo oo mikirifoonada lagaga adimo
Mashaariicda Waaweyn ee muga lehna Maquuuno iyo Abaal celin malaasan laysu siiyo oo daaha dabadiisa lagu dhameysto.

Rusqada mashruuca soo saarista milixda ee shirkada Salternas LTD ka wado Galbeedka Berbera oo loo xidhaayo dhul gaadhaya 150km (lama naadin )
Rusqada la siiyey Shirkada MSG si loo scan gareeyo shixnadaha ka soo dega Dekeda Berbera ( Lama naadin ganacsatadii dalbatayna waa laga eexday)
Mashruuca Baaxada leh ee shirkada Hadhuub ay GPS-ka Caasimada Hargeisa iyo nawaaxigeeda ugu sameynayso ( lama naadin )
Mashruuca Jufo Nuur Company ee qandaraaska lagu siiyey dhismaha Balaadhinta Wadada Berbera Corridor ( lama naadin )
Mashruuca Ali Waraabe Construction company lagu siiyey dib u dhiska Wadada Berbera Corridor ( lama naadin )
Mashruuca Guleed Engineering company ee lagu Siiyey dhismaha balaadhinta wadada Berbera Corridor ( lama Naadin )
Mashruuca Guri Barwaaqo Construction company ee lagu siiyey Balaadhinta Wadada Berbera Corridor ( lama Naadin )
Mashruuca baaxada leh ee dhismaha wershada sibidhka Berbera ee ay ku heshiiyeen labada shirkadood ee MSG groups iyo SAOG ( lama naadin)
Ruqsada Mashruuca Somaliland Heath and Nutrition programme ee ay Malaayiinka dollar ku maalgeliso Dawlada ingiriiska (DFID-UK) Far baa ku godan !
Mashruuca dib u habeynta shaqaalaha dawlada ” Civil Servant Reform Project ” oo World Bank ku bixisay $10 Million dollar. Far baa ku godan !
Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa mar walba in sife cadaalad ah loogu qaybsado midhaha dawladnimo, si loo helo badbaado qaran waa in qandaraasyadan badan ee sare ku taxan laga dabo tagaa oo dib tendher loo wada geliyaa, oo tar tan xor ah oo xalaal ah loo soo wada maraa cidii ku guuleysatana la siiyaa ama gacanta dawlada dib loogu soo wada celiyaa.
Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. Hadii sinaan iyo cadaal la waayo oo wax lawada yeelan waayo waxaa dhici doonta in wax la kala yeesho

“Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.! Shacaboow …Tiraa Kaa gedmane ….wax isu …gey… geyso” !

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London